Maseyr : From : naf laga shakiyey Mar quraan dareemay Muraad - TopicsExpress



          

Maseyr : From : naf laga shakiyey Mar quraan dareemay Muraad inaad iga laheyn Meel kalaad u dareertey Maskaxdaada aad siisey Muran badan adoon gelin Murugaa igu fogaatee Maseyr aan dhamaan baa Madaxeyga ku mug leh Micno ma lahan aduunkaan Mid kalaan calman doonaa Daacad ahow daryeel mudan Dadka u u riyaaqoo Duco iyo wanagiyo Dadka ay u wadaan Daacad baad igu wadey Daacad hadaad tahay Daaha ka rog hadalkaaga Aroos From : ku bilow mudan ama marwo, ama arooska ama aroosada Nolo waa docee Daa,iin waxaan ka tuugey Daacad inaad ahaantaan Daahir iyo dulliyo Daa,in u diin siiyo Daadah aad tiraahdaan Daar wacan oon dumeyn Iyo daacad baan idin amrey Daa,in waxaan ka tuugey Da,da maanta jirtoo dhan Duqow iyo doob Iney idiin duceeyaan Daar xalaal ahoo wacan Dunidaan lala yaabo Daa,in uu idiin siiyoo Dadka hadalkoodana Allaha ha idinka daboolo Duco waxaan mudan Daacad kuwii isu ah Ayuu daa,in ka aqbalaa Cafis From : naf lagu qaldamey , aboowe ama abaayo Catow baan kuu wadaa Cafis baan kaa rabaa iyo Calool fiyoowi Cawaaqib xumadaan marey Cawo iyo ayaan baa Caloosha kugu hayaa Calwasaad baa I dilay Cuqubadaan dareemay Ceyshkiiba waan gabay Caqli xumaa I qaadey Cishadaan ku waayay Subixii ma tooso s Suntii aad igu beertey Sedexdii sano tagtey Sahal baan ku dareemay Sifahaaga wacan baa Saqdii dhexe habeenkii Si xun ugu qarwaa Sohwi baan dareemay Si uun ii cafi Daadis : From : naf ladiidey Na daneysataa tahay Naceb aan u qaaday Niyadda kaa jarey Naxariis kuuma hayo Nacabka aan kuu qabo Niyadeydii buu diley Nabarada caashaqa adigaa dhimay Nakala daa walaal Niyad kuuma haayee Nabad baan kaa rajaynayaa Niyaddaa kuu diidee Naf ku neeceb aduunkan Nolol kuuma quurtee Na kala daa walaal Nooc kastood ahaato Niyaddaa ku diidee Na kala daa walaal Nabsi adigaa dalbadey Neecaawda xanuunka leh Niyadaada ku samirsii Weli waa uu socdaa daadiskiiyee indhaha u fur Damacaa ku qaadee Dooqaagu waa doolar Dan kaama lihiyee I daa Doqon aan jeclaaday Dahab hadii lagu raro Doolar iyo diinaar Dan kaama lihiye Dooni mid kale Doqon lama dugaashee Da.yer baan ahee I daa Duduubey hadalkaaga Ducaan duqowda weydiisan Danihii aan laha Dartaan baan u gubay Ku diidey aniguye Kurbo caashaq kaama lihi Kol horaan ku diidey Kulan kuuma quuree Kobtaada I maqashii Dardaaran From :naf la waaninayo Waxaan kaaga digayaa Damac aan loo meel dayin Dabin lagama waayee Daacad inaad ahaataa Ruux daacad ah Rabbi wuu jeclaadaa Rabiaan haduu ku galo Rixim goys ha noqon Runta daaha ka qaad Ruux wacanoo loo riyaaqay Rasmina reerka ugu dagay Taam ka dhig noloshaada Tiir wacan waxaa ah Tii lagu nagaadee Tilmaan wacan ahaataa Talo kuugu darayaa Balan jaceyl: From : naf kulan laga rabo Ku bilow aboowe mise abaayo Berigii aan ku bartaa I laa bil iyo ayaamaa U bukaa aragaaga Bohlyow daraaddii Bal inaan ku bogsado Bartaada inaan arko Beerkaad iiga taalaa Bilicdaada qurxoon Baan u bogaya anigee Balan ila wadaagoo Bartamaha badweyntiyo Bal inaan booqano Beerihii afgooyiyo Bartamaha jannaalaa Bashaal u aadnaa Barthamaha jaceylkana Beer wacan u fidinaa Ballantaan iga aqbal Yaa wax jaceloo Diraya fariimahan Qoomamo jaceyl : Qoomamaan joogaa Qiimihii wacanaa iyo Qurux daad laheyd baa Qarka iga tuuree Qabri inaan u hodaa Qorshahaagu ahaa Qaadir baa ii macneeyay Qiyaanadii wadatey iyo Qalbigaaga ii dumay Qorshahaad waddoo idil Qeex baan u haysaa Qatal haddaad is laheyd Qorshahaasi wuu lumey Qurux haddey qiimo leedahay Qiyaasna loo dhameeyay Qiyaano aan dhamaan Qalbi caruur baad tahee Qiyaamo heer laguma gaaree is qabo . Hamuun jaceyl From :naf loo hamuun qabo Hamuun baan kuu qabaa Halbowlihii dhiiga sidey iyo Howl wadeenkii jirkoo idil Heegan bey kuu yihiin Haddan kuu jeedi waayo Hurdo caashaq maan helin Hilowga aan kuu qabo Howlaha aduunkaa is Hareero yaallee Hoog iyo caloolyoow Hurdo xumaan kuu noolahay Haasaawe maan helin Hilowga aan kuu qabo Habeenkii oo idil Hareerahaan kaa dayaa Hamuun caashaq baa I helay Heesaha jaceylkuna Adaa igu habey dhamaantood Horaadkaaga isaaroo Hamuunta iga gooy
Posted on: Sun, 08 Sep 2013 07:24:50 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015