NETHERLAND:MADAXWEYNAHA ISRAA,IIL,OO BOOQASHO RASMI AH MAANTA UGA - TopicsExpress



          

NETHERLAND:MADAXWEYNAHA ISRAA,IIL,OO BOOQASHO RASMI AH MAANTA UGA BILAABMAYSO NETHERLAND(HOLLAND) Waxaa sii badanaya shakiga laga qabo Israaiil ka dib markii shicibka ay arkeen in aan wax dhaliil ah loo soo jeedin karin sax iyo khaladba Israaiil oo ay noqotay lama taabtaan lagama hadlaan cidii ka hadashana ka cabsi qabto in dhib uga yimaado. Madaxweynaha Israaiil Shimon Peres ayaa maanta oo Axada uga bilaabmaysaa booqasho rasmi ah oo uu ku yimid Nederland sida ay lagu baahiyey warbaahinta Nederland. Madaxweynaha Israaiil Shimon Peres Shimon Peres oo ah oday cad ah oo 90 sanno jira ayaa booqashadiisa lagu fasiray mid lagu xoojinaayo xiriirka ka dhaxeeyo labada wadan ee Israaiil iyo Nederland. Wuxuu labo mar noqday raisal wasaare iyo saddex jeer wasiirka arrimaha dibada ee Israaiil. wuxuu jagadaan madaxweynanimada Israaiil hayaa illaa sannadkii 2007. Wuxuu la kulmi doonaa Raisal wasaare Mark Rutte oo kula kulmi doono aqalka Cathuis iyo Boqorka Nederland Willem Alexander iyo xaaskiisa Maxima. Wuxuu kaloo khudbad ka jeedin xubanaha baarlamaanka aqalka 1aad ee doono in kastoo ayan badanaa dhicin in hogaamiya ajnabi ah khudbad uga soo jeediyo xubnaha baarlamaanka. Nederland iyo Israaiil ayaa ka midaysan arrimo badan oo ay ka mid yihiin mowqifka dhulka Falastiin ee ay Yuhuuda xooga ku haysato iyo awooda ay Israaiil u yeelatay in ay sii gumaado xoogna kusii dhisato dhulka Falastiin iyadoo awood u yeelatay in ay si aan toos ahayn u xukunto dowladaha reer galbeedka badankooda iyo wadanka Maraykanka. Waa kuma Shamcuun Peres ? Wuxuu ku dhashay magaalo la yiraa Wiszniew, Poland hadana la yiraa Vishnyeva, oo ka tirsan wadanka Belarus sannadku markuu ahaa 2 August 1923. Waxay reerkiisa u soo guureen sannadkii 1932 iyagoo aan wax xiriir ah aan la lahayn dhulka Falastiin oo ay maanta Yuhuuda ka wado gumaad, barakicin iyo burburinta dhulka ay xooga uga haysato shicibka reer Falastiin oo hadda la iska illoobay wixii ka danbeeyey kacdoonada lagu kiciyey kaligii taliyayaashii Carabto oo noqday kuwa uu daadka qaaday iyo kuwa kabo qaad noqday sida Wahaabiyada Khaliijka Carabta oo uu Sacuudiga hormuudka u yahay kabo qaadnimada iyo dabadhilifnimada uu ku taageero si aan toos ahayn sidii Muslimiinta loo dhibi lahaa sida hadaba ka taagan wadanka Suuriya oo Muslimiin badan lagu beerlaxawsaday in dagaalka ka taagan Arlu Shaam yahay mid u dhaxeeya Shiicada iyo Suniga balse dano iyo hadaf gaar ah laga leeyahay. Waxaa ayaamahan danbe sii badanay dad badan oo isugu jiro siyaasiyiin, qorayaal, iyo dad siyaasda Nederland horay jagooyin sar sare uga soo qabtay oo arkay dhagarta Israaiil iyo gumaadka iyo barakicinta ay ku hayso Israaiil dadka reer Falastiin oo ay rabto in ay dhamaantood ka taqalusto. Waxaa ka mid ah siyaasiga rugcadaaga ah ee mar raisal wasaare ka soo noqday Nederland Dries van Agt oo ka qoray buug uu ugu magac daray Een Schreeuw om Recht [Tragedie van het Palestijnse volk]. Waxaa sii badanaya shakiga laga qabo Israaiil ka dib markii shicibka ay arkeen in aan wax dhaliil ah loo soo jeedin karin sax iyo khaladba Israaiil oo ay noqotay lama taabtaan lagama hadlaan cidii ka hadashana ka cabsi qabto in dhib uga yimaado. Diyaarintii(jsn)iyo tafatirkii(nnn). Mohamed Haji Essa(Maygaag) NNN:National News Network:Netherland.
Posted on: Sun, 29 Sep 2013 10:36:09 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015