Neymar: Aniga Iyo Messi Waxaan Sameyn Doonaa Taariikh. Waxaa - TopicsExpress



          

Neymar: Aniga Iyo Messi Waxaan Sameyn Doonaa Taariikh. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 20-07-13 9:01 PM Neymar ayaa aaminsan in isaga iyo Messi ay taariikh sameyn karaa marka ay iska garab ciyaarayaan. Inay iska garab ciyaarayaan Neymar iyo Messi xilli ciyaareedka soo socda ayaa keentay in wax badan laga hadlo iyadoo Capello uu sheegtay dhawaan inaan la celin karin. Neymar oo heshiis 57 milyan euro uga soo biiray Santos xagaagan ayaa isna ku faraxsan islamarkaana ku niyadsan inuu ka garab ciyaaro Messi. “Waxaan rajeynayaa inay noqon doonto iska garab ciyaarida aniga iyo Messi mid taariikh sameysa” ayuu 21 jirkaan u sheegay suxufiyiinta. “Waxaan heysanaa wax walba oo aay taasi ku dhici karo. Waa ii sharaf waana riyo ii rumowday inaan ka garab ciyaaro ciyaaryahanka adduunka ugu fiican, waana waxa iga dhaadhiciyay inaan doorto Barcelona.” Neymar, ayaa ku guuleystay kubadii dahabka ee Koobka Qaaradaha, waxaana uu heshiis shan sanno ah u saxiixay Barcelona.
Posted on: Sat, 20 Jul 2013 20:20:15 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015