Qalbi jaceyl ku soo dhawaada gacmo furan iyadoo oo idiin diyaar - TopicsExpress



          

Qalbi jaceyl ku soo dhawaada gacmo furan iyadoo oo idiin diyaar yahay soo saaraha weyn ee axmed buule Home martida arimaha diinta fariimo jaceyl sawiradeyda oraahyo jaceyl fanaaniinta soomaaliyeed heeso sports soo diyaariye sare axmed c/laahi buule Visit Smiley Central!Visit Smiley Central!geeraaro jecel ahVisit Smiley Central!Visit Smiley Central! haduu caashaq bari hore dadka wada cadibayoo cantar binu shidaadiyo qays caamir dhumiyoo cilmi jaray hediisii colka maanta joogaa maka caafimaadeen cid miyuu haleelaa curadadii malaayaa c/samad balhadaloo carjawaabta noosheeg halkanaa lagu sookoobay murti oodhan ee kabogasho wacan Dhanbaal jaceyl Maansadaan dhaleydaa haddaan qalin ku dheereeyo balli baan dhextaag nahay murti uma dhibtoonaayo dhabi hiisaan ku hagayaa dhinac anoon seegin ka dhirqo maantiyo bariba waa la dhurayaaye balaan dheeman teeydii u diro gabaygu waa dhaare ma ogtahay dhanbaal jaceyl dhaxal gal weeyaane dhabtiyo wuu kaaga turjumi dhiiga socod kiisa adna jeeraad soo dhawaato farxadi weyga dheertahaye hawada dhexdeeniyo iga gudoon salaan araxda soo dhaaftey caashaquna kalsooni kuma dhammiyo dhiiri gelin toona ha yeeshee marbuu dheeliya aqalkaan dhigaha loo aasin adna Dhooleey fogaatayoo xaalku wuu dhanaan yahaye axdigii ma dhowrtoo matahay taan u dhimanaayey? dhuuxoo dhaqsi uga jawaab waan dhibtoo nahaye aley lehe dhirbaaxada jaceyl waan la dheygagaye dhararti aad dhofta dhinbilo leyla dhacay fiidki saqdii dhexe sidii dhalan wanigii dhelalow kacaye kama bogto dhuunigoo biyihi waanka dhowr sadaye dhabihii aad qaadan inanyahey sii dhugtaa waliye dheeraa bishan waxaan u dhigo sooba dhufan waaye cashara daadan iga dhaqmeyn dhimasho mooyane xusuus tadana kama dhowr sado waandhex tagnahaye hayga dheeran markale yaan wadnuhu isoo dhicine cidlo haygu dhafine qalbiga ii dhawee manta ,adoo dooni quruxbadan dusha sare kasaaran dalxiis aad kusocotoo aad aragto midkaan daadku qaatay maku daawan lahayd mise waad udiir nixi lahayd kacelin lahayd dugaagiyo halistuu kudabar go,ay?! Gacalisadaan jeclaayeey Guud ahaan adduunyada Adaan kaa garwaaqsaday Gaduudkaaga dhiinka ah baa Gebigeey isaaqay Axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale God inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa Garaadkey wuxuu isiiyey Guur inaan yagleelnoon Gurigeey ku geystoon Gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy? Sariigo Wiilyahaw Samaantii dhexdeeniyo, sidigtii nafteenu Igu noqotey sun iyo dacar, sambabadda beerkiyo Wadnaheyga saaqdoo, halis baan ku suganahay Sir iyo khiyaamiyo, sugeyn xumaantee Warkaagan sirgaxan, iyo Silacane muxu yahay? Sir ma qabe ilaah baa, u sahmiya wanaagoo Sinna uma xumaadee, sadex sano iyo dheeraad Naf sooman awgaa, iga samir maqabatee Safar weeye noloshuye, sariig wiilyahaw. Sumad baan ku saartoo, kaa soocdey kheyrkaa Haddey qoorta kuu surey, noo sahmi barwaaqoo Balantana ha siideyn, sagaal goor kugu iri Suradaha quraankiyo, qalbaan saxar laheyn iyo Duco kugu sagootiyay, guurna sugaayee Ma sahwiyo ruuxii, talo saarta eebe Safar weeye noloshuye, armey dunidu ku sabataa Sadex sano iyo dheeraad, ruux sooman awgaa Iga samir ma qabatee, sariigo wiilyahaw. Saaxiib iyo walaalihii, waalid iyo sokeeyba Aawadaa u seego, Sababtaada i deyrshee, igu dhaafe surankoo, gooni socod ahaadee fariintaada saakana, iiga daran seef iyo waran seedaha i goysoo, iga saaftey laf iyo hilib ruux fallan sidaan ahay, waa anigaan saqaafoo, dharaar socod ku raagoo, soojeed habeenkii sadex sano iyo dheeraad, ruux sooman awgaa iga samir Welcome! geeraaro JACAYL AH Dahabow jacayl baa idilay, oo idaashadaye Cishqigaaga duulaanka ahi, waygu soo dagaye Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine Dawo waxaan lahayn iyo sunbaan, duhur cabaayaaye Anigoon dakano aadmi qabin, ways daldalayaaye Dab haddaadan ii shidin la waa, inaan dawoobaaye Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine Nin dayuurad haysta yaan odhan, diilinta i saare Waxay sii daryaantaba kolkay, dowyo sare gaadho Daruuraha markay gaadho yaan, dam iska soo siine Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine Markab diririglayn iyo intaan, doonyaha raaco Badda weyn markuu ila derdero, yaankasoo degiye Meel aan dabbaal lagu karayn, Dahaboy caynkeeda Iyo daakhil kaan tagahayaa, daacadda Ilaahe Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine Haddaadse raro dun lagu daadiyey, oo daabac laga buuxshay Oo midabku deyldeylan yahay, dadabta gaadhsiiso Diyaar loo sameeyey iyo, dharkii deeqa aragaaga Oo damacu wuu badanyahee, deymo kaa qabato Yaan duunyo kuu siin hayaa, adi dadaalkaaye Danbigaaga oo idilna waa, layga dedayaaye Waan diir xumaan maalintay, diinftu kugu taale Xigaalada dugaalkeed badhbaa, la iska diidaaye Dadkiinaan jeclaan iyo intaad, duray wadaagtaane salaan salaan diiranaan badan doogbaxayana ka udgoon dayaxana kanuurbadan sida dahab uqaaliya ayaan kuugu deeqoo hawada kuusoo marinayaa dabadeed salaantaa runtii been laguma hadaqee dhabtii waad uqalantaa Salaan cuddoonoo Calooshiyo beerka Cududada jirkeygiyo Caqligeyga ka timid Carrabkeyguna carrifoo Cirkaa sareetiyo Gaadhay caadkaa Camidhay adduunyada Oo ruuxey u caraftaa La cajaaibayaan Calaacalaha ku sidaaye Cadareey iga guddoon Ceynka kale cuddooneey Cantar kii xijaabiyey Ceebla ciribta gooyay Calimaax cunaha jaray Ku dabaashay cowraloo Cilmi aakhiro u diraa Anna calanka ii suray Carfooneey aawadaa Ceyshkii ka goayoo U ciishooday nafteydii Cishqigeyga inuu jiro Waxaa kuu caddeyn kara oo misna kuu calaamad ah Cadgoa jirkeygiyo Ceynka aan isku beddelay Waxanse u cabanayaa Calaaqaad inaan yeelanee Ma ciseysay codsigan? Ma Iloobin 1. Axdigaan mariyo, meeshaan ku iri waan imaanaya, ma iloobine arin baa dhacdey, gacaliye aadan la socon Abti iyo adeer, odeyaal baa i helley I afduubayoo, oori iiga dhigey nin aana aqoon, igu ciiley ifkoo sidaan ahay adoon, la iibsan karo Ama eyro geel, la is aamiheyey geed igu xireen, xorna maan aheyn Edeb iyi xishood, Asluub iyo wanaag Ha lagu iibiyee, ogoloow miyaa? Eebaa xukmiya, waxuu aadmigu ogeyn, una falla isxaan, iyagoon filleyn qadarka ilaah iyo amarkiisaan ku degey! 2. Ergaad soo dirtey iyo fariintaada ma arag Maxbuus baan ahaa, adimadda ka xiran Isha laygu hayoo, la ilaaliyee Ogide haween ma lahan awood, ay ku eegtaan ninkey Ayagu doonayaa , kuna doortaan aayahood Iminkoon ahay oori la qabo iyo ubad hooyadood Ayaan moodayaa, inaad joogto wali Goobtii axdigoon, eegayaa warsame, halkaan isku ogeyn, haddii aan karana , Ma baaqdeene Ina adeer, Kuu imaan lahaa, adna ogaan laheyd, dhibta igu dhacdee Edeb iyo xishood, Asluub iyo wanaag Ha lagu iibiyee, ogoloow miyaa? Eebaa xukmiya, waxaan aadmigu ogeyn Una falla isxaan iyagoon filleyn Adoon ii caroon, iina uur xumaan qadarka ilaah iyo amarkiisa ku samir. 3. Axadii ooyin buu, waagu iigu baryeeyoo anfac igama degin, ereyna ma aana karin inta kalana bulley ,igu agtumanayeen alalaas iyo mashxarad, abaabulayeen aroos, anigana ilmadu ,oogadeyda qooysayoo, la ildaranaa dhibey, ii geysteen ayagu haddii aan anigu, oran lahaa marabo reer inaan qasab, udub ugu modana eed baan galoo, dhaqan baan agmarey deyro baan ahoo, inkaar baan kasbadey, haddii aan ayidana, uurkaa diidayoo, ma arkoon ninkey, ila doonayaan. Edeb iyo xishood, afgaabni iyo wanaag ha lagu iibiyee, ogoolow miyaa? Eebaa xukmiya, xukun kii ugu haboon Aaminoo habloow, ha u iilanina xumaan Aakhiraa jirtuu, uu ka goynayaa Uunkiisa kuwii dhiboo, kama iisho xaqee Qadarka ilaah iyo amarkiisa ku qanca! Geeraar jaceyl dharka la yska saari hadaad dhereka uun eegto ama aad dhalaal beena iyo dhedo ku soo guurto sidii dhidar xabaalah qodaa ceeb u dhacaysaaye dheg haweenku leeyahay midaan eebe kala dheegin oo waliba dheeraadka dumar qiimo lagu dheehay oo sidig dhabeelaan waxbadan dhuungalow xigaye ha yeeshee dhambaalkaan furfiuray waa midaan dhaax hore joogsadaye bal dhagayso dheegow murtidu dhaxal dad weeyaane dhexda soohan dherekiyo laxaadka dhaayihiyo luulka timo labada dheeg iyo garbaha dhab u mushaaxayaay ama dhabanka dheehiyo wejiga dhalanka loo uumay sanqaroorka aad dhool curtiyo dhabiga moodaysid dhaayaha ku yaaliyo indhahan dhab u hilaacaaya sidii dhaal banaanoo ilaah dhalan ka soo saaray dhegta loo sar gooyiyo markay dhoosha kala qaado ama luqunta dheehooy s sidii geenyo lagu dhaabay dhaldhalaaka quruxdeedaa daruuru dhinaca ka moodaaye waa ruux dhamaysoo ku daray weilba dhiidhiye dhaayaha jaleeciyo dadkay dhaygag galisaaye dhugashada kalgacal maalintraan dhacashada eegay dhaxantii i qabataa qalbigu dheeliyaa weliye dharaartaan xasuustana wakhtigu waa igu dhalanteede dheeldheeligaan qabo nin ogi ima dhaliileene dhalxash iyo sidii yabaq ka baxay dhinacyadii hawdka dhaan nageeye uu xalay heliyo dhibic laxaad weyn anigoo hurdada laga dhergiyo dhagi ka soo toosay aan dharabka waagii baryiyo dhaayo kulansiiyay ama dhaan haraadloo qabiyo dhuluu ka soo muuqday ma ogtahay indhuhu kaama dhargaan inay ku daawadaane waxaad tahay qof dayn lagu dhaloo waliba dhawrsanoo dhal magaalo adigaa ah iyo tii wax loo dhigaye waxaad tahay insaan lagu dhintoo lagu dhibaatoodaaye waxaad tahay dhabeel tii u mdan dheg iyo maamuuse mana lihdi dhaliil kolay ku tahay dheehashiyo muuqa ragbaa dhaqayo foofsada intuu dhuuniguw galaye habeen dhaxana duulbaa yaqaan dhuumashada jaane dhidib loo yagleeiyo hadaad xilo ku dheeraato asaan calaf ku dhaafshiyo wakhtigu mawd ku dhaxa joojin waa dhudi nagaysiyo labaray dhaqasho xoolaadee dhadhabkaan hurdadad boodayaa dheelalawga lehe hadaba dhinac yadaydaan dayaa dheehashada muuqe dhaqaaq joogsi gaygaa khalqigu igu dhaliilaaye dheecaanka sooreed iyo marbaan dheefta qaab sadaye haduu dhugato qabo geelu waa golongol dhuubtaaye Dhaaxuu ku taamaye Cilmi bay dhacan ka saareene Aniguna Dhirbaaxadaan jacayl waw u dhutinayaane Dhaga awdmay dhaantada ruuxdiyo dharab la loolaaye Dhalinyaro dhismaha luuqdiyo dhaqan goobeed sheegtay Ama duul is dhalay oo wax badan dhoof ku kala baday Dharaartaanu kulanaa kal gacal nalagu dheehaaye Inkastoo ay mudada dhaawacdo waan dhur sugayaye Dhimashada horteed Waa rugtaan heeryadii dhigaye Waxaa Gabaygan tiriyay Cilmi Boodhari Sannadkii 1973kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan gabaygan la baxay Jeeraaro tiriyey. Wuxuu joogay magaalada Muqdisho. Ma dhanna gabaygu, na soo gaadhsii haddii aad inta maqan hayso. Wuxuu ku billaabay: Jeeraaro boodayeey wataas marisay jeegaane Jillabba suu jadeerka u fantay ee jiic isula fuulay Ee jinaw aroortii macaan looga jaranaayo Qofkii waayo badan soo jiree dunida soo joogay Dul iyo hoos markuu jeleecada jaad walba u dhawro Isba wuu u jeedaa inay jeerba cayn tahaye Siduu bidiqa waala u jabiyo waa jigloo kale e Ama waaba jarihii shaxdee nimanku jeexdeene Maray kaa janjeedho o ocabbaar talo kaa jiifto Iyo maalin lagu jaajiyo ood dunida jiidhaaba Jirjirayn adduunkaa yaqaan waaba jaah sida e Ragna ways jikaaraa intaa laysu soo jilo e Non kastaaba jiilaal ogaa jeenafliyo oone Ha yeeshee jir weyn baa ka daay meel jidhaamo lehe Ninba jago abaara yuu ka kale jooji leeyahaye Taasay jidkeediyo arkeen jiir la sii maro e Markaasay jujuub iyo dhasheen jimo la buurtaaye Oo waliba la isugu jacburin jaarri iyo xeele Raggii jilicsanaadaa hadhoow meel xun jamaslayne Jaaqudhun harraaday wallee abid ku jeelaane Doqontii jahjahanaysa ee juuqba celin weyday Jucuurnimada markii lagu bartiyo jaahilnimadeeda Nacabkeedii juubaha sitee jaaha miranaayey Oo jimiricaayaa heliyo junni qarsoonayde Wallee cadwona kii loo jabaa malaha jeefaafe Jirrida iska eeg dhuuxa way jabaqsanaysaaye Maskaa jiitama yuu sidii jiis ku caabiyine War yaan jararta qayrkaa ciyoon kugu jillaabayne Jingil adiga yey kaa samayn xuurtan jeellaniye Juxuusaaba yuu kuu imaan saa jinnaa dhalaye Adoo jaara caana ah dhigtay oo jiija malabaystay Jilqurkaa h amoogaan yuu jowhar kaa madhin Intuu bacad kusoo joojo yuu jaanta kaa xadine Cagtaadoo jilfo leh yaan hadhow jeerin kaa mudine Jilbis uriyo goodaado yay jeebka kuu galine Nabi Maxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (scw) Isagana waxaa lagu jirabay inuu jahaadaaye Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ku damacdeene amiiryare@hotmail Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane Waxaad adigu caabiyi kartaa, ciidhoo noo taraye Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Adigaan cirriyo geeri iyo, cudur ka yaabayne Adigaan cadrana guursan oon, ciyaal dhaline Adigaa waxaad camal rabtaa, kugu cuslaanayne Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Adaan cudud laguu sheeganayn, amaan cabsoonayne Adaan ciidan loo qayshadiyo, caawimaad rabine Col wax yeelo gaystiyo adaan, cadaw ka yaabayne Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Cunto kaa dhamaatiyo adaan, caydh ka baqanayne Calal xidhasho uma baahnid iyo, cuud la foofsado e Ku cayiliyo adigaan ahayn, shay mar caato ahe Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Adaan canug lasoo dhalay ahayn, ama ciyaal reere Adaan barina meel kula cawayn, cuur filkaaga ah Cashiiriyo qaraabiyo adaan, ciirsi deydeyine Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Aan cabbaar tilmaamaha cuddoon, sii carcooriyo e Caddaan fiila cawl iyo guduud, amaa cillaan miida Casaan boosa maarriin canbara, ama cawiif booda Madoow culaya sugul caynaba, oo ciiriyo bay leh Xareed calasa ciid iyo asal, ama cagaar dooga Caarcaar shabeel ama sidii, calawyo giirgiiran Cir guduud qaboonoo kaliyo, cawo iyo maalin Cadar ama cadceedoo kaliyo, sidii roobab curanaaya Caadkiyo daruuraha dhulkiyo, ciirigii badaha Codcod subaga caaniyo baruur, cuddo iyo jiidhba Laan caaradeed shay ka baxa, ama curdaan yeesha Wax la cuno ama aan calashaniyo, waxaan cabbaynoo dhan Wax codkiisu yeedhiyo waxaan, ciyi aqoonaynin Calaamiyo wixii midab ah ee, caalamka u muuqda Cabbirkaaga shay lihi ma jiro, ood la caantahaye Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Adigaa cilmiga soo dajiyo, diin ciraab badane Cabdigaagii adigaa ka dhigay, nabi carfoonaaye Cadadii qur’aankiyo adigaa, curiyey Liilaafe Ilaahayow casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Cindallaahi ruuxii qabee camal, fashee fiican Een Nabiga caaradin unbaa, kheyr cantoobsada e Halaag bay cantuugaan kuwii, aad u cadhootaaye Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Janna caaliyaad suubisay oo, laga cabbaayaaye Cadaabkiina adigaa dhisiyo, naar ciqaab kulule Ciyoon baad dhamaysaa wixii aad, cidhib tiraysaaye Kaad caawinaysana dhaqsaad, u camiraysaaye Cazaa Wajala waad og tahay, caynka aan rabo e Adaa siiya laydh caafimaad, gaal ku caasiyeye Caascaasna adigaa ku rida, sheekh ku caabudaye Nina inaan cadaadshiyo ma rabo, inaan cidhiidhyaaye Carrabna kuma idlayn karo waxaan, kaaga soo cabane Rabbul Carshul Cadiim waad og tahay, caynka aan rabo e Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Inkastoo cad shaydaan qalbiga, caajis galinaayo Calooshayda kama goyn inaan, Eebe caabudo e Citiraafay Nabigaygii oo, caashaq baan ahaye (csw) Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e Cimrigay intaan noolahee, aan carrada joogo Ceebtiyo waxaan ugu necbahay, ciil na daashada e Mana lihi awood celin kartiyo, xoog cadaadshaba e Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane Inaad adigu naga caawisaan, kaa codsanayaaye Axmedacb@hotmail Waa taan Cadaadley ka guday, xalay cawayskiiye Caado iyo intaan Sirow tagaan, caano geel dhamaye Cosob iyo markaasay Maryama, ila ciyaareene Citiraafna waan helay sidii, dawlad caadila ahe Waana lay casuumaday sidii, caalim soo dagaye Ragna inuu catrado ii dhisuu, iila ciil qabaye Cisigaa anoo heli karoo cudur, laaan seexday Turumbadu markii ay cidee, waaguna caasaaday Cirkii iyo camuudii markaan, cayn kastaba dhawray Rag calool xun goortaan arkiyo, calalo taanbuug ah Carmis inaan ag joogaan gartiyo, wali ciqaabtiiye Caku aniga ee goormaa wajaaf, laygu soo celiyey Carradii biyaa iga xidhay oo, waxaan cabaan waayey! Cadar bay ahaydoo intaa caga, gubyaa i haysay! Cagaag baa i mudayoo kabaan, cidhibta saaraa dheh! Shan nin bay casuumaysayoo fiidkii, ma cashayn dheh! Batar Ceerigaabaan ku jabay, mana ciyaarayn dheh! Cirka iyo baqoolaan ku tagay, Cadale meeshiisa Cusbalayna waan soo mariyo, Ceelis gudaheeda Cimrigayna meeshaan fadhiyo, kama carraabayn dheh! Cawdaan ku jiifiyo hurdada, caawa kama toosin Sidaan u caweysimahayuu waagu, ku caddaan dheh! Niman bay canaantoo haddana, ii calaalcala dheh! Ceeb baa la ii faafinoo, la ima caayayn dheh! Hadalkaa calaamada leh waad, la cajabaysaane Caynkaana waxa iigu wacan, ciilka aan qabo dheh gabay jaceyl ku saabsan Maansadaan dha’leydaa haddaan qalin ku dheereeyo balli baan dhextaag nahay murti uma dhibtoonaayo dhabi hiisaan ku hagayaa dhinac anoon seegin ka dhirqo maantiyo bariba waa la dhurayaaye balaan dheeman teeydii u diro gabaygu waa dhaare ma ogtahay dhanbaal jaceyl dhaxal gal weeyaane dhabtiyo wuu kaaga turjumi dhiiga socod kiisa adna jeeraad soo dhawaato farxadi weyga dheertahaye hawada dhexdeeniyo iga gudoon salaan araxda soo dhaaftey caashaquna kalsooni kuma dhammiyo dhiiri gelin toona ha yeeshee marbuu dheeliya aqalkaan dhigaha loo aasin adna Dhooleey fogaatayoo xaalku wuu dhanaan yahaye axdigii ma dhowrtoo matahay taan u dhimanaayey? dhuuxoo dhaqsi uga jawaab waan dhibtoo nahaye aley lehe dhirbaaxada jaceyl waan la dheygagaye dhararti aad dhofta dhinbilo leyla dhacay fiidki saqdii dhexe sidii dhalan wanigii dhelalow kacaye kama bogto dhuunigoo biyihi waanka dhowr sadaye dhabihii aad qaadan inanyahey sii dhugtaa waliye dheeraa bishan waxaan u dhigo sooba dhufan waaye cashara daadan iga dhaqmeyn dhimasho mooyane xusuus tadana kama dhowr sado waandhex tagnahaye hayga dheeran markale yaan wadnuhu isoo dhicine cidlo haygu dhafine qalbiga ii dhawee manta. Newest Members 2010 the best web in the world. Make a Free Small Business Website
Posted on: Thu, 07 Nov 2013 14:31:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015