Qiso jacayl oo murugo leh! Xabiibiti waan ku baryaa ka - TopicsExpress



          

Qiso jacayl oo murugo leh! Xabiibiti waan ku baryaa ka kac! Qalbii I maqal ka kac! Heblaayo ka kac! Laakin jawaab malaha! Dhaqaaq malaha! Ilmo ayaa indhihiisa ka imaatay laakin inuu ku fikiro waxaas oo kale ma rabin. Xayaati ma iga tegee? Aniga la’aantaa waxba ma ihi ee I maqal plz. Wuu is celin waayay si daran ayuu u ooyay xaaskiisa ayuu hab siiyay wuxuuna ku dhahay: waan ku baryaa ha iga tegin, I wado, meel aa ka tagtay ma rabi laakin hadalkaas waxba sooma siyaadin, wey baxday safar aan soo laabasho lahayn, ugu yaraan saacad markii xabadkiisa ku haayay ayuu soo dhacay taleefanka guriga qofkii soo wacay ayuuna u sheegay sida ay wqax u jiraan, gaari Amblunce ah ayuu keenay, kadib maalinti ugu naxdin badnayd ee noloshiisa soo marta guurki murugo ayuu ku soo dhamaaday, walaalkeed wuu diiday inuu Qabriga u degto oo noqdo qofka dhinaceeda dhulka dhigaya jacayl uu u qabay darted, ugu dambeyn marki la duugay ninki wuxuu galay sadded isbuuc oo ogaal la’aan ah nolosha dhanna wax qiimo iyo dhadhan ah uma lahayn! Haddana waxaa lagu jiraa sanaddii saddexaad u diidanyahay dhamaan isku daygii ay sameeyeen reerkiisa ee ahaa inuu guursado naag kale, reerkiisana wuxuu ku dhahaa gurigaan waxaan u dhisay heblaayo mana laga yaabo iney naag kale la wadaagto! #Juka
Posted on: Tue, 02 Jul 2013 11:10:49 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015