Raage ugaas iyo jacaylkii afadiisa Abwaanku wuxuu gabaygan - TopicsExpress



          

Raage ugaas iyo jacaylkii afadiisa Abwaanku wuxuu gabaygan marshay mar gabadhii u doona-neyd ee uu xoolaha ka baxshay, uu guursaday Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal. Wuxuu Raage Ugaas Gabaygan kusoo bandhigay arimo badan oo dareen taabad leh. Wuxuu ugu horeeyn afnaqay dhibaatada uu gabadha u maray, Wuxuu Mar labaadna Xusay Sida tolka uu ka dhashay aan loogu aqoon jirin iney samraanba, Mar Sadexaadna dagaalka ka fool ka fool oo shaqsiyeed isaga iyo Garaad Faarax ka dhex dhici doona,Ayuu kusoo gunaanaday. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Unaxariistee Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho Abasguul Jidwaaq Absame ayaa waxeey marti qaadeen Raage Ugaas. Raage oo horayba qoyskaa dekeno uga qabay ayaa ka shakiyay marti qaadka, Wuu soo yeelay oo wuu aaday. Maalin ka dibaa walaalkii Ugaas Xuseen isna la marti qaaday, Raagase wuu uga digay inuu aado meejaas. Ugaas Xuseen hadalkii raage dhag uma dhigina wuu aaday marti qaadka. Abasguul iney qudho ka jarteey rabtay ugaaska, Gargaar allase wuxuu soo baxday isagooyna dhagna kaga jirin, oo faraskii gees walba waran ka taaganyahay oo luudin haya. Raage Ugaas baa markaas gabaygan tiriyay oo aqli celin ah. Wiyil gaarin geeskiyo dhagtiyo, giirka qaban maayo Shabeel oon gabraartiis ogahay, gacantogleyn maayo Gojaxiyo nin waran ii watoo, ani i gaadaaya Gag intaan idhaahdo oon hurdada, ugu garaardaayo Garbahayga hilibkaa ku yaal, gooso odhan maayo God abeeso gacantayda midig, galin aqoon maayo Garaadkeygu meelaha badhkood, ani i geyn maayo Raage Ugaas Warfaa wuxuu halkan ka gabyay gabadh uu guursaday, Ayuu wuxuu aad uga xumaaday nidaamkeeda guud. Wuxuu soo xusuusiyay Haweeney hore oo uu qabay, Marka wuxuu kusoo gunaanaday, Na bal ka ciraab qaado tii horre intaan lagu furi lahaa. Cirkoo da’aya qaar baan dhulkiyo, ciidda wada qoyne Caleemaha gugii baxa badh baan, carun ku dheehnayne Caku dunida cuur wada dhashuu, qaarba cayn yahaye Yaa yidhi Cibaadiyo tanaa, caano wada nuugey ————————————————————— Raage Ugaas gabadhiisii horre markii ay ka geeriyootay allaha uraxmee, Ayuu xigsiin loo siiyay gabadh ka yareeyd. Gabadhan dambe aad buu u dhaliilay dhaqankeeda oo maankiisii min-weyntuu horuu ku maqnaa weli. La soco…………… Raage ugaas iyo jacaylkii afadiisa Abwaanku wuxuu gabaygan marshay mar gabadhii u doona-neyd ee uu xoolaha ka baxshay, uu guursaday Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal. Wuxuu Raage Ugaas Gabaygan kusoo bandhigay arimo badan oo dareen taabad leh. Wuxuu ugu horeeyn afnaqay dhibaatada uu gabadha u maray, Wuxuu Mar labaadna Xusay Sida tolka uu ka dhashay aan loogu aqoon jirin iney samraanba, Mar Sadexaadna dagaalka ka fool ka fool oo shaqsiyeed isaga iyo Garaad Faarax ka dhex dhici doona,Ayuu kusoo gunaanaday. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Unaxariistee Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho Abasguul Jidwaaq Absame ayaa waxeey marti qaadeen Raage Ugaas. Raage oo horayba qoyskaa dekeno uga qabay ayaa ka shakiyay marti qaadka, Wuu soo yeelay oo wuu aaday. Maalin ka dibaa walaalkii Ugaas Xuseen isna la marti qaaday, Raagase wuu uga digay inuu aado meejaas. Ugaas Xuseen hadalkii raage dhag uma dhigina wuu aaday marti qaadka. Abasguul iney qudho ka jarteey rabtay ugaaska, Gargaar allase wuxuu soo baxday isagooyna dhagna kaga jirin, oo faraskii gees walba waran ka taaganyahay oo luudin haya. Raage Ugaas baa markaas gabaygan tiriyay oo aqli celin ah. Wiyil gaarin geeskiyo dhagtiyo, giirka qaban maayo Shabeel oon gabraartiis ogahay, gacantogleyn maayo Gojaxiyo nin waran ii watoo, ani i gaadaaya Gag intaan idhaahdo oon hurdada, ugu garaardaayo Garbahayga hilibkaa ku yaal, gooso odhan maayo God abeeso gacantayda midig, galin aqoon maayo Garaadkeygu meelaha badhkood, ani i geyn maayo Raage Ugaas Warfaa wuxuu halkan ka gabyay gabadh uu guursaday, Ayuu wuxuu aad uga xumaaday nidaamkeeda guud. Wuxuu soo xusuusiyay Haweeney hore oo uu qabay, Marka wuxuu kusoo gunaanaday, Na bal ka ciraab qaado tii horre intaan lagu furi lahaa. Cirkoo da’aya qaar baan dhulkiyo, ciidda wada qoyne Caleemaha gugii baxa badh baan, carun ku dheehnayne Caku dunida cuur wada dhashuu, qaarba cayn yahaye Yaa yidhi Cibaadiyo tanaa, caano wada nuugey —————————————————————
Posted on: Mon, 15 Jul 2013 18:24:03 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015