Salaam all & Freedom Lovers, Waxaa wax aad loola yaabo ah askarta - TopicsExpress



          

Salaam all & Freedom Lovers, Waxaa wax aad loola yaabo ah askarta u adeegta taliska miyilka adag ee Ismaaciil Cumar Geele, in ay qaadeen adeer Abdi Sougueh Farah oo ah odayaasha caaqillada ah ee looga dambeeyo talo iyo murti intaba magaalada Ali-Sabieh, isla markaana dhalay wariyaheena qaaliga ah ee geesinimadu, fariidnimadu iyo halyaynimaduba ku dheehantahay Allaha xafidee waa wariye Kadir Abdi Sougueh oo asaasay cidaacada madaxa banaan RTN ee saldhigeedu yahay Stockholm caasimada dalka Sweden. Waa la yaab in Taliska Ismaaciil ee ku amarku taagleeya masaakiinta reer Jabuuti ee koronto laanta,kaniico, kulayl iyo haraadku dubtay, u adkaysan waayo idaacad xor ah oo uu sameeyay Kadir Abdi Sougueh. Si marka loo aamuusiiyo waa in cadaadis la saaro waalidka iyo ehelka. Waxaan leenahay isku xishooda haduu xishood idiin hadhay oo waalidka faraha ka qaada. Mida kale Kadir Abdi Sougueh haduu nacay xumaantiina oo uu caalamka idiin sheegay ma odayga waalidka ah ayaa wax idin yeelay? Muxuuse odayga tuuladiisa iska jooga idiin qaban karaa? Ma waxaa tolow filaysiin in uu Kadir afka qabto si aad uga raaxaysatiin hadalka cadcad ee runta ah ee idinkaga daran waranka? Haday Runtu idin dhibayso maad dadka beenta ka daysaan oo xaqooda siiisaaan? Waxaa soo dhawaaday dhamaadkiini ee makhraj ama exitkii aad ka bixi lahaydeen diyaarsada. Marba haday idinka marayso kii hadlaba qabta xaalad daran oo waali ku dhaw ayaad gasheen ee Allaha idiin sahlo umada idiinka raaxeeyo. Amiiin. Amiiin. Amiiiin. Wariyayaashayada sharafta leh sida Kadir Abdi Sougueh iyo Yacin Rirache waxaan leenahay NOOLAADA, NOOOLAAADA, NOOOOLAADA. VIVE RTN, VIVE RTN, VIVE RTN, VIVE RTN, VIVE RTN VIVE USN, VIVE USN. VIVE USN, VIVE USN, VIVE USN VIVE DJIBOUTI, VIVE DJIBOUTI, VIVE DJIBOUTI
Posted on: Sun, 16 Jun 2013 00:38:20 +0000

Trending Topics



class="stbody" style="min-height:30px;">
Thats a wrap on Dracula for me for the second time. On one days
Reintroducing our new five a day bags 6 piece (£1.19) - 2
Project - Tornakalna pakavs, newly constructed building , front
Review** Piano Lesson
What an awesome time I had with the women of GGTG&P at KLM
Right … As its Christmas, Ill spin yer all a little yarn that

Recently Viewed Topics




© 2015