Sharci iyo sharci darro mid ay tahay iyo marin iyo marinxumo mid - TopicsExpress



          

Sharci iyo sharci darro mid ay tahay iyo marin iyo marinxumo mid ay tahayba Raiisal Wasaare Saacid Shirdoon waxaa muuqata in aanay Madaxweynaha maanta jooga wada shaqeyn Karin. Waxaa u wehliya in guddoonka baarlamaanku uu cod geliyay in Raiisal Wasaaraha la weydiiyo waxa uu uga jawaabayo eedeynta la soo jeediyay. Ugu danbeyntiina baarlamaanku diiday in Riisal Wasaaruhu isa soo hortaago. Intaas oo dhan isaga oo ka tusaale qaadanaya waxaa ila habboon Raiisal Wasaare Saacid in uu xilka iska casilo. Taasi waxay Qaranka ka badbaadin kartaa in khilaafka meesha xun maraya iyo isku mashquulidda siyaasiyuuntu ay ka sii darto. Maxay adiga kula tahay?
Posted on: Sun, 01 Dec 2013 22:24:38 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015