Sheeko Cajiib ah. Wiil ayaa wuxuu soo galay meel teleefanada laga - TopicsExpress



          

Sheeko Cajiib ah. Wiil ayaa wuxuu soo galay meel teleefanada laga dirsado, kadib nambar ayuu wacay. Wiilka. ASC, adeer ma i siin kartaa shaqada darawalnimada ah ee gaarigaaga. Ninka: (qofkii telefanka ka qabtay) Maya qof ayaa hada ii qabta shaqadaas Wiilka: Laakiin aniga waxaan kuugu shaqeynayaa kala bar inta uu hada kaa qaato qofkaas. Ninka: Waan ku qanasanahay darawalka hada ii shaqeeya. Wiilka: Laakiin aniga gaariga waa kuu xanaaneynayaa, aad ayaana uga taxadarayaa. Ninka: Maya waa mahadsantahay adeer, iga raali ahow shaqo kuuma hayo. Wiilkii oo dhoola cadeynayaa ayaa isa saaray telefankii, markii uu albaabka ka sii baxayay uuna dhiibay lacagtii telefanka ayaa ninkii meesha telefanada lahaa oo wiilka hadalkiis dhageysanayay ku yiri "Adeer nin dhalin yaro ah oo cajiib ah ayaa tahay, aniga ayaa shaqo ku siinayaa" Wiilka: Maya adeer waa mahasanahay Ninkii meesha telenada lahaa ayaa yiri: oo soo adiga hada u calaacalayay shaqo! Wiilka: Maya mudane waxaan hubinayay shaqadeyda in lagu qanacsanyahay, qofka darawalka ah ee ninkaas u shaqeeya waa aniga. HA ILOOBIN INAAD SHARE GAREYSO.
Posted on: Sat, 05 Oct 2013 20:03:59 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015