Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo maanta Masaajidka Abuu Bakar ee - TopicsExpress



          

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo maanta Masaajidka Abuu Bakar ee xaafadda Islii magaalada Nairobi, ka akhrinayey Khudbadda Jimcaha, ayaa sheegay in Shareecada Islaamka ayan shuqul ku laheyn qaraxyada iyo weerarada aan loo meel dayin ee dhacay, uuna ka mid yahay kii dhawaan xarakada Shabaab ka sammeeyeen Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi. Sheekha, ayaa caddeeyey qodobadan soo socda:- 1- In Shareecadu ay reebtay in la weeraro meel ay isku qasan yihiin dad Muslim ah iyo dad Gaalo ah, isagoona aad carrabka ugu adkeeyey in Diintu ay ilaalisay dhiigga dadka Muslim ah iyo kuwa aan waxba galabsan.Wuxuu Sheekhu soo qaatay aayadda quraanka ah ee ku jirta Suuradda Fatxi, taasoo Ilaahay ku sheegay in Muslimiinta Nabigu NNKH uu hoggaaminayey loogu diiday iney Makka weeraraan, si ayan u dilin dad Mu’miniin ah oo aan la garaneyn. 2-In Gaaladu ay kala duwan yihiin, oo gaal walba uusan dhiiggiisu bannaaneyn, isagoona qeexay in ay jiraan gaalo Muslimka la nool oo in la ilaaliyo Shareecadu amartay, kuwo balan lala galay oo in la taabto aan la oggoleyn. Shiikha Umal ayaa waxaa uu sii faahfaahinaya qodobkan isagoo sheegay in dadka Fiisooyinka ku gala dhulalka Gaalada, ama deggenaashaha ku leh ay ku jiraan balan, sida Culimada Mucaasiriinta ah ay Fatwoodeen, wuxuuna aad uga digay in dad ku nabad geliyey la weeraro oo la qarxiyo, taasoo uu sheegay iney tahay balan ka bax aan la oggoleyn. 3-In shareecadu ay eegto waxa ka dhalanaya ficillada la sammeynayo, oo haddii fasaadka ka dhalanaya uu ka weyn yahay masaalixda uu soo kordhinayo uu falkaasi xaaraam yahay, waaba haddii uu wax Maslaxad ah soo kordhinayee. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in waxa dhacaya ayan wax maslaxad ah u soo kordhineyn diinta iyo dadka Muslimiinta ah, isagoo riwaayad ku tilmaamay hadalada lagu andacoonayo ee ah ” waxaa laga dhiidhiyey duulaalnaka ciidanka Kenya ee Soomaaliya”. Sheekha Umal ayaa sheegay in falalka noocaan ah ayan ciidan shisheeye dal ka saareyn, wuxuuna tusaale u soo qaatay weerarkii ururka Al-Shabaab ku qaadeen dalka Ugandha 3 sano ka hor, kaasoo sidda uu Sheekhu sheegay sii kordhiyey ciidankii Ugandha ee Soomaaliya ku sugnaa, kan hadda Kenya, ka dhacayna uusan kaas waxba uga duwaneyn. 4-In xaaladuhu ay qeybsami karaan ayuu Sheekhu ka hadlay, isla markaasna iyadoo koox Muslimiin ah iyo Gaalo ay dagaalamayaan ay Muslimka kale gaalada heshiis kula jiri karaan, loona baahan yahay in heshiiska cid walba iney ilaaliso. Wuxuu tusaale u keenay qisadan iyo kuwo kale:- Qisadii Abuu basiir iyo reer Makka ee uu Bukhaari ku soo saaray saxiixiisa: Qisadaas oo ahayd in nabigu scw la galay heshiis nabadeed reer Makka, heshiiskaas oo ka dhacay Xudeybiyah, kuna heshiiyeen inay nabad ahaadaan 10 sano oo joojiyaan dagaalka u dhaxeeya. Waxaa kamid ahaa heshiiska in qofkii reer Makka ah ee soo islaama, una soo carara dhinaca Madiina iyo nabiga scw dib loogu soo celiyo reer Makka. Waxaa soo cararay Abuu Basiir oo ahaa muslim, waxaana laga soo daba diray laba nin oo soo celiya, Nabiguna scw waa aqbalay celintii oo wuu u dhiibay. Waxaa dhexda kasoo baxsaday Abuu Basiir oo labadii nin midkood dilay, waxuuna u yimid Nabiga scw oo uu ku yidhi ” Allah anigana waa iga soo badbaadiyay celintii, adiguna waad fulisay ballantii “. Nabiga scw wuxuu kula hadlay Abuu Basiir erayo uu ka fahmay laba arimood: 1aad: In la celin doono haddii uu sii joogo. 2aad: In ay u furantahay inuu duurka galo oo reer Makka la dagaalamo, waxii dad ah ee uu heli karana halkaas ku aruursado. Abuu Basiir wuu ka baxay Madiina, reer Makkana dagaal dhuumaalaysi ah ayuu la galay, rag bandanna waa helay ilaa ay usoo dacwoodeen reer Makka Nabiga scw oo ay ka dalbadeen inuu raggaas ka qabto, kana tanaasuleen soo celintooda. Haddaba waxaad aragtaa in Abuu Basiir iyo Muslimiintii la socotay colaad iyo dagaal kala dhaxeeyo reer Makka, Nabiga scw iyo muslimiintii kalena heshiis kula jiraan reer Makka, Nabigu-na scw wuxuu ilaalinayay ballantii heshiika ee dhex martay reer Makka, Abuu basiir-na wax heshiis ah kama dhexayn reer Makka. Ugu dambyntii: Sheekha ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dad dalka Kenya nabad galyo u soo doontay oo sharciga dalka haysta iney haddana taageersan yihiin koox duulaan ku ah nabadooda, isagoo ugu baaqay iney Soomaaliya aadaan haddii ay la dhacsan yihiin falalka ka dhanka ah ammaanka dalka ay ku nool yihiin. Hoos ka Dhagayso Khudbada maanta Shiikh Umal uu ka jeediyey Masjidka AbubakarSadiiq ee Nairobi
Posted on: Sat, 28 Sep 2013 07:51:13 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015