Sidee ku ogaan kartaa Jaceylka dhabta ah iyo kan beenta ah? Waa - TopicsExpress



          

Sidee ku ogaan kartaa Jaceylka dhabta ah iyo kan beenta ah? Waa maxay jaceyl? Marka hore waa in aad taqaanaa waxa jacaylku yahay iyo macnihiisa guudba, erayga jacayl oo af ingiriisiga lagu yidhaahdo LOVE waxa uu ka kooban yahay Afar xaraf oo la isku daray mid kastaana macno gooniya uu leeyahay, haddii aynu qorno erayga LOVE waxa loo soo gaabiyey waxay noqonaysaa sidan: L = Listen (dhagaysi) O = Over look (daryeelid) V = Valme (qiimayn) E = Express (muujin kalgacal) Waxaan filaya in laga wada dhargay micnaha LOVE. Haddaba, qofka bani’aadamka ah way ku adkaataa in uu inta badan kale saaro jacaylka dhabta ah iyo khiyaaliga ah, laakiin waxa daruuri ah in qofku marka uu damco in uu kala garto kalgacalka runta ah iyo ka beenta jacaylka dhabta ah iyo ka dhalanteedka ah, dadkuna kala saarida labada nooc ee jacaylka way ku kala aragti duwan yihiin, culimaduna siyaabo kala duwan bay u fasiraan, laakiin waxay badankoodu isku raacsan yihiin in jacaylka dhabta ah uu yahay kan ku qotoma afarta xaraf ee loo soo gaabiyey caashaqa, waanna dareen saafi ah oo aad ugudbiso nafta aad jeceshahay, kaas oo dhiga ruuxa ugu farxada badan dunida, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waxaad u tixgelisaa si qoto dheer oo ixtiraam iyo wanaag ku dheehantaqahay , waxaadna dareentaan in naftaada iyo tiisa isku mid yihiin oo saacadaha qalbigiinu isla jaan qadayaan , taas macnaheedu waa haddii qofka aad jeceshahay wax yar oo dhib ah la kulanto in aad markaaba dareento, haddiise saacadaha qalbigiinu ilbidhiqsi yar kal horreeyaan oo aanay isla jaan qaadeyn lama odhan karo jacaylkiinu waa uu gaadhay heerkii loo baahnaa, haddiise saacadaha qalbigiisu ilbidhiqsi yar kala horreeyaan oo aanay isla socon lama odhan karo jacaylkiinu waxa uu gaadhay heerkii loo baahnaa. Jacayla dhabta ah waxa loo dareemaa si qiiro iyo la yaable, waxaanna la doonaa in qofka aad jeceshahay waqti walba la joogto oo nolosha inta ka dhimman la wadaagto, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waa ka wanaagaaga doona, haddii aad ficilo xunxun ama wax yaabo uusan raali ka ahayn kula dhaqanto kuu dulqaata, waa ruuxa akhrista qalbigaaga iyo waxaad damacsan tahayba, kaas ayaa la yidhaahdaa waa jacayl dhab ah. Jacaylka iyo kalgacalka beenbeenta iyo dhalanteedka ahina waa ka ay ka maqan yihiin, dhagaysiga, daryeelka, qiimaynta iyo muujinta dareenka jacayl ee aad xambaarsan tahay, waayo jacayl khaaliga ah waxa lagu gartaa qofka oo Hadalkaaga iyo la joogistaada ka caajisa, qofka oo aan daryeel kuu muujin, ruuxa oo aan ku qiimayn, kaana soo qaada qof sida carurta o kale daymadiisa, hadalkiisa iyo dabeecadihiisana ka dhadhansan mayso astaamo jacayl oo uu kuu qabo. Jacaylka dhalanteedka ah waxa lagu gartaa qofka oo iska yeelyeela in uu ku jecel yahay, iyada oo afku ka xado erayo aan dhagahaaga raali galinay, jacaylka dhalanteedka ah cimrigiisu ma raago oo waxa uu xidhiidhkiisu ku burburaa muddo yar oo gaaban,soomaalidu waxey ku maahmaahdaa (beeni raad maleh) waayo beenta marka la gaaro gunteda waxaa soo baxa in eeysan ahayn wax run kaas oo lagu garto jacaylka khiyaaliga qofka oo ballan kuu qaada oo jar jara, isaga oo ku marmarsooda hawl baan hayey iyo cudur-daaro aan maangal ahayn. Sidaas awgeed jaceylka hdabta ah iyo kan beenta lagu qurxiyay sidaas ayey u kala cad yihiin marka la dabagalo waayo beenta qar wey ka macaantahay runta lkn marka ladaba galo waxaa la ogadaa xaqiiqda dhabtahay waa inaad mar waliba ad u fiirsata qofka jaceylka kuu jilaayo ineey ben tahay iyo iney run ka tahay waxaaana cadeyn u ah maqalkan aan kor ku soo qornay. THNKS TO MR.ABDI QADAR
Posted on: Tue, 12 Nov 2013 18:29:22 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015