Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiskii ay Addis Ababa - TopicsExpress



          

Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Dowladda iyo Maamulka Jubba Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay. Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini Zuma ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in heshiiska ay Soomaalidu ku gaareen Itoobiya uu yahay mid taariikhi ah, waxayna hoosta ka xarriiqday inuu yahay mid xoojinaya heshiisyada ay gaarayaan dhinacyada Soomaalida. Sidoo kale, Dr. Dlamini Zuma ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka ay heshiiyeen ugu baaqday inay fuliyaan qodobbada ay ku heshiiyeen oo aysan noqon kuwo la iska illoobo. Zuma waxay xustay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ku ammaanayso dadaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan iyo sidoo kale ka shaqeynta sidii ay dalka ammaan ugu soo dabaali lahaayeen. Iyadoo ugu baaqday inay sii wadaan dadaalladooda dib u heshiisiinta ah. “Heshiiskan wuxuu xoojinayaa shirka Soomaalida loogu qabanayo bisha soo socota magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo looga hadlayo sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya,” ayay Dr. Dlamini Zuma ku sheegtay warka ay soo saartay. Dhanka kale, waxay sheegtay in ciidamada Midowga Afrika ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa. Iyadoo ku tilmaantay heshiiskan mid ka mid ah tallaabooyinka horumarineed ee dalka Soomaaliya uu horay u qaaday. Heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa ayaa wuxuu dhigayay in maamul KMG ah loo sameeyo gobollada Jubboooyinka iyo Gedo, kaasoo xilka hayn doona muddo laba sano ah, kaddibna la sameyn doono maamul guud oo ay dadka deegaannadaas soo dooranayaan. Inkastoo heshiiskan ay madaxda dowladda Soomaaliya ku tilmaameen mid lagu xallinayay muran siyaasadeed ka taagnaa maamulka Jubbooyinka ayaa haddana waxaa kasoo horjeestay dad badan oo ay ku jiraan kuwa ku nool gobollada Bay iyo Bakool.
Posted on: Sat, 31 Aug 2013 14:59:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015