WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Muqdisho Arbaco, October - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Muqdisho Arbaco, October 23, 2013: Wakiilka gaarka ah islamarkaasna ah Gudoomiyaha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Maxamad Saalax Annadif ayaa si kulul u canbareeyay isku dayga dil ee lagula kacay Wariye Maxamad Maxmuud Timacade oo u shaqaynayay Tvga Caalamiga ah ee Universal . Dilalka Waxuushnimada ah ee ka dhanka ah Suxifiyiinta Soomaaliyeed wali waa ay sii socdaan iyada oo ay xusid mudantahay in Dadka Reer Muqdisho ay nabad ku naaloonayaan ayuu yiri Salah Annadef. Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaliya ay samaynayso Hormar la taabankaro, waxa uuna sheegay in Wariyaasha Soomaaliyeed ay u baahanyihiin Balanqaad dhab ah oo ay ku gudankaraan Waajibaadkooda saaran ee ah in ay Bulshada Soomaaliyeed si nabad ah ugu adeegaan. Maxamad Salax Annadif ayaa ugu sdanabayn carabka ku adkeeyay in ay AMISOM ka go’antahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si loo xakameeyo Dilalka Waxuushnimada ah ee lagu la kacayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee u taagan in Bulshadooda iyo dalkoodaba ay si daacad ah ugu adeegaan. Hadalka kasoo baxay Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi kariin Xuseen Guuleed uu Shabkada Warbahinta Shabelle u qabtay in mudo 5 Maalmood gudaheeda ay ku firaaqayso Xarunta gabaadka u ah ay ku jirto. Nairobi Arbaco, October 23, 2013: Safiirka Soomaaliya u fadhiaya dalka Kenya Maxamad Cali Nuur America ayaa mar uu Warfidiyeenada kula hadlayay Magaalada Nairobi Caasimada dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in Soomalida ku nool Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ay yihiin dad dhibanayal ah oo aanan lug kulahayn Falal Argagaxiso. “ Dad Qaxootiga Soomaaliyeed ah ee ku jira Xeryaha Qaxootida dalka Kenya waa dhibanayaal qaar kamid ah waa ladilaa halka Dumarkana la kufsado” sidaasi waxa yiri Safiirka Somaaliya u fadhiya dalka Kenya. Mararka qaar waxaan ku arkaa Wargaysyadda ama warbahinadda iyagoo dhahaya Dadka Qaxootiga Soomaalida ah waa Argagaxiso ayuu yiri America. MR. Nuur ayaa waxa uu ka jawaabayay Warar maalmihii danbe Warbahinta dalka Kenya ay baahineysay oo sheegayay in Weerarkii ugu dambeeyay ee Westgate Mall laga soo abaabulay Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab. iyadoo ay dowlada Kenya sheegatay in kooxihii Weerarka ku qaaday Westgate ay ka soo raaceen Diyarad Helicopter ah Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ayna halkasi kasoo abaabuleen Weerarkii ay dadka faraha badan ku dhinteen ee Magaalada Nairobi ka dhacay bishii aanu kasoo gudubnay. Kadib Weerarkii Westgate ayaa qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ay soo jeediyeen in la xiro gabi ahaan Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ay ku jiraan ee ku yaalla dalka Kenya, arintaas oo ay si wayn uga soo horjeesteen Haayaddaha u dooda Xuquuqul Insaanka Muqdisho: Arbaco, October 23, 2013: Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci ayaa maanta booqday Isbitaalka Madiina uu ku jiro Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo maalin ka hor lagu dhaawacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Gudoomiye Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci ayaa sheegay in Dalalka loogu geysto intabadan Degmadiisa Suxufiyiinta aan loo nisbeeyn Karin kaliya Ururka Al Shabaab hase ahaatee sida uu hadalka u dhigay ay jiraan siyaasado Dilalkaasi ku lug leh. “Waxaan ka qabaa Suxufiyiibnta lagu Dilo Degmada Wadajr ee Gobolka Banaadir in aysan kaliya Dilin Ururka Al Shabab balse waxaa jira Siyaasado kala ee lagu bartilmaameedsado Suxufiyiinta ka holwgala Muqdisho” sidaasi waxaa yiri Gudoomiye Axmed Daaco oo Saxaafada kula hadlay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Maalin ka hore ayaa Kooxo hubeysan waxaa ay Degmada Wadajir dhaawac ugu geysteen Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo ka ahaa Wariyeyaasha TV-ga Universal qeybtiisa Magaalada Muqdisho. Arbaco, October 23, 2013: Wariyaasha aan Xuduuda lahayn ee loo yaqaano Reportes without borders ayaa waxa ay ay walaac ka muujiyeen Dhibaatada uu Wasiirka Arimaha Gudaha kuhayo Shabakada Warbaahinta Shabelle oo Warqad uu u soo diray Wasiirka Arimaha Gudaha 20 October Shabakadda taas oo amraysa in Shabakadu ay mudo 5 Maalmood gudaheeda ay ku firaaqayso Xarunta ay dagantahay. Amarka Wasiirka waa mid aan waa faqsanayn Sharciga gabi ahaana waa mid awood shaqsiyadeed ku dhisan sidaasi waxa yiri War kasoo baxay “Wariyaasha aan Xuduuda lahayn” ka saarida Shabakada Warbahinta Shabelle laga saarayo Xarunteeda ma aha oo kaliya mid yaraynaysa Xoriyadda Saxaafada Soomaaliya lakiin waxa ay sidoo kale khatar galinaysa Wariyaashaeeda iyo Shaqaalaha oo intooda badan ay hoy u tahay Xarunta Shabakada si ay uga gaashaantaan Weeraro iyo dilal ay kula kacayaan Shaqsiyaad aan la aqoon. Rasaasaynta loo gaystay Wariye Maxamad Maxmuud Timacade oo ka shaqaynayay TV ga Universal ayaa waxa ay tusaale cad u tahay khatara cad ee wajahayaan Wariyaasha Soomaaliyeed ee ku shaqeeya mixnada Saxaafadda. Wariyaasha aan Xuduuda lahayn oo hadalkooda sii wata ayaa sheegay in hadii Shabakada Warbaahinta Shabelle laga saaro meesha ay dagantahay ay arintaasi khatar galinayso Wariyaasha ka howlgala Shabakaadi sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaynaa dowlada Federaalka Soomaaliya in ay hirgaliso Wajibaadka dastuuriga iyo waliba codsiyada Caalamiga ah ee ah in ay ilaaliso Saxafiyiinta iyo Xoriyada qowlka. Amarkan Xooga ah ee kasoo baxay Wasiirku waxa uu jabinayaa Hishiiskii 2010 ay la saxiixatay Wasaarada Gaadiidka Shabakada Shabelle kaas oo u ogalanaya Shabakada Warbahinta Shabelle ay sii daganaato Xarunta ay daganatahy ilaa inta laga gaarayo 2015. Xarunta Shabakada Warbaahinta Shabelle oo ku taala goob Amni ah oo u dhow Dekada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ay hoy iyo baro u tahay Shaqaalaha Shabakada oo ay khataraha ka jira Caasimada u ogolaanayn in ay ku nooladan goob ka baxsan goobta amaanka ah ee Xaruntu ku taalo . Amarka lagaga saarayo Shabakada Warbahinta Shabelle Xarunta ay dagantahay waa mid khaas u ah Shabelle oo kaliya waxa jira Warbaahino kale oo iyaga dagan dhismayaal dowladeed walina lama siin Amar lamid ah kan Shabelle lasiiyay. Radio Shabelle waa mid kamid ah Warbaahindda yar ee Madaxa banaan taas oo Shaqaalaheeda aysan ka quusan ku shaqaynta Marxalada khatarta ah, Shabakaduna waa mid aanan lahayn Hadaf Siyaasadeed ama mid Diineed, taas oo sababatay in sanadkii 2010 in ay hesho Bilada Caalamiga ah ee FNAC, ee ay bixiyaan wariyaasha aan Xuduuda lahayn , taas oo ay ku heshay kadib markii loo aqoonsaday Shaqadooda wacan iyo dhiranaantooda. Bartilmaameedyo soo noqnoqonayay oo Shabakada Warbaahinta Shabelle kaga imaanayay Ururada AL-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo kusalaysnaa Markii Shabakadu ay diiday in ay kuhadasho Afkooda, Shabakadu waxa ay dadal badan ku bixisay in ay ku shaqayso Madaxbanaani. 11 Wariyaal ah oo Shabakada katirsanaa ayaa ladilay ilaa sanadkii 2007 15 Shaqaalaha Shabakadana waa dhawacay halka kuwa kala la xiray ilaa sanadkii 2009 Shabkada ayaa sidoo kale la xiray ku dhawaad 6 Jeer. Qodobka 18 ee Dastuurka Soomaaliya ayaa waxa uu ogolaanayaa Xoriyatul Qowlka, dowladu waxa ay sidoo kale qayb ka tahay Axdiga Caalamiga ah ee ogolaanaya Xaquuqda Bulshada iyo mida Siyaasadeed, waxa ayna ka balanqaaday Kulankii Caalamiga ahayd ee isugu imaadeen gudiga Xuquuqul Insaanka Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa sanadkii 2011 in ay ilaalinayso Xuquuqul Insaanka iyo Madaxbanaanida Saxaafadda.
Posted on: Wed, 23 Oct 2013 22:16:07 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015