WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA Muqdisho: Khamiis June 20, 2013 - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA Muqdisho: Khamiis June 20, 2013 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey qaraxii iyo weerarkii kooxaha argagaxisada ku sameeyeen xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa yiri. “Al Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Is qarxintii ay maanta u geysteen dadkii u soo gurmaday shacabka ee arrimaha gargaarka iyo dib u dhiska oo aan hubeysneyn waxey na tuseysaa in aysan wax muraad ah ka laheyn shacabka iyo dalka Soomaaliya. “Waxaa la caddeeyey inay qaraxan ku dhinteen 8 qofood oo afar ay ahaayeen Soomaali. Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed waxey tacsi u dirayaa eheladdii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen, isla markaana EEBBE uga baryey in inta dhaawaca ah uu EEBBE u fududeeyo dhaawacooda. “Waxaan la hadlay Ban Ki Moon, Xoghayaha Guud ee QM iyo Nick Kay, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, oo aan u sheegey sida aan uga xumahay falkan arxan la’aanta ah, igana gaarsiiyaan farriinteyda dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobey. Xeradan QM waxaa joogey shaqaale u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, mana aheyn inay falal noocan oo kale ah ay ka dhacaan. “Waxaan u mahadcelinayaa ciianka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo si dhaqsi leh u gurmaday isla markaana badbaadiyey qaar ka mid ah shaqaalaha. Shaqaalaha QM ee xarunta joogey waxey si geesinimo leh u dhaqmaan xilli ay falalka argagaxa ay socdeen. Waxaa mahad Alle ah in a in badan bad-baadeen. “Sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya waxey ku tallaabsatay horumar. Waxaan ku jirnaa waqtigii dib u soo kabashada, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Argagaxnimo iyo dagaal noocan oo kale ah ma naga leexinayaan waddada horumarka ee aan ku socono. “Al Shabaab waxey ka soo horjeedaan nabadda shacabka. QM iyo dhammaan hay’adaha saacida Soomaaliya way ogyihiin in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar oo aan wadajirkeena si xoog leh u wada taagnaan karno oo aan ka wada shaqeyn karno sidii dalka amni iyo kala danbeyn loogu soo celin lahaa.” Muqdisho Khamiis June 20, 2013 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mohamed Saleh Annadif ayaa si kulul waxa uu u cambaareeyay weerarkii argigixiso ee Shalay lagu qaaday dhismaha xarunta qaramada midoobay ee Magaalada Muqdisho ,kaasoo ay sheegteen Xarakada Al-Shabaab. “Waxaan cambareeyneeynaa weerarka fulaynimada ah ee lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada muqdisho. Weerarkaan guuldareystay ay Al-shabaab waxa uu yahay u jeedkiisu in kaliya lagu carqaladeynayo dadaalada ay wadaan dadka Soomaaliyed oo ay kaga soo kabsanayaan sanaddo Fowdo ah,taasina nagama niyad jabin doonto dadaalka wada jirka ah ee ku taageereyno shacabka Soomaaliyed si ay dib ugu dhistaan dalkooda”.ayu yiri Ambassador Annadif. Ambassador Mohamed Annadif ayaa sidoo kale amaanay jawaabta deg dega ah ay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya iyo Kuwa Midowga afrika k abixiyeen weerarkaasi,isagoo sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto dadaalka lagu xasilinayo Soomaaliya. Midowga afrika iyo AMISOM maanta wey garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri,” Amb Annadif, Ambassador Mahamet Annadif ayaa tacsi u diray dadkii saaxiibadoodii ay jeclaayeen ku waayay Naftooda weerarkii argagixiso,isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay. Muqdisho Khamiis June 20, 2013 (Wararka Dowladda Soomaaliya):Wararka aan ka heleyno Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho oo shalay uu ka dhacay weerar xoogan ayaa waxa ay ku soo warramayaan in saaka halkaasi laga soo saaray Meydadka illaa 6 ka mid ah Dagaalyahannadii shalay weerarka ku qaaday Xaruntaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan kuwaasi ooo soo saaray Meydadkaasi. Xarunta ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Max’ed Yuusuf iyo Xoghayaha Maamulka C/kaafi Hilowle Cismaan. Xoghaya Maamulka Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay oo uu sheegay in uu ahaa mid wuxuushnimo oo dhalinyaro la soo qalday ay fuliyeen. Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo isna la hadlay Saxaafadda ayaa tibaaxay in dhalinyarada weerarkii UNDP fulisay la baaray islamarkaana la soo duray sida uu hadalka u dhigay Cirbado miirkooda lumiyay ee ku xambaaray in Nafsadooda ay halligaan sida uu hadalka u dhigay Sikastaba Kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weeraro qarxyo iyo dagaal toos ah ku soo qaaday Xarunta Qaramada Midoobay ugu weyn ee ay ku leedahay Magaalada Muqdisho weerarkaas oo geystay Khasaaro Xoogan oo isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac. Muqdisho Khamiis June 20, 2013 (Wararka Dowladda Soomaaliya):Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey QM weerarkii argigixisonimo ee maanta lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay magaalada Muqdisho. Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro QM oo aan uga tacsiyadeeynayo weerarkii argigixisonimo ee maanta lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho, runtii falkaasi waa fal argigixisonimo oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka” Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” waxaan rajeynayaa falkaasi argigixisonimo inuusan saameyn ku yeelan doonin howlihii samafal ee ay hay’adaha QM ka wadeen gudaha Soomaaliya gaar ahaanna barnaamijyadii hormarinta ee ay Hay’adda UNDP ka waday gudaha Soomaaliya iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Caalamka” Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuusan falkaan argigixisonimo saameyn ku yeelan doonin dadaallada hormarineed ee ay Dowladda Federaalka iyo Shacabiga Soomaaliyeed ku doonayaan iney Dowladnimadooda ku hormariyaan. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney meel ugasoo wada jeestaan cadawgooda taasina ay tahay xalka kaliya ee looga adkaankaro argigixisada. Http://somaligov.net/
Posted on: Thu, 20 Jun 2013 09:13:20 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015