Waa Hada Iyo Qisadeeni Ino Socotay Ee Ayaanle Iyo Bilan Iyo Yoonis - TopicsExpress



          

Waa Hada Iyo Qisadeeni Ino Socotay Ee Ayaanle Iyo Bilan Iyo Yoonis Godob Iyo jacayl 1987-1999 (Qeybtii 26naad) Hadalka odaygu markii uu intaa marayo ayuu ayaanle kasoo dhexgalay markaasuu yiri maya,maya aabbo waxba ha dhibin ninka saaxiibkaa ah meesha waxaa joogta inantii bilan ahayd iyada ayaaba igu tiri ila soo socodsii wakhtiga aad kusoo beegantahay talyaaniga iyo garoonka aad kasoo degeysid oday cali shirwac ayaa intuu si wanaagsan ufiiriyey indhihii ayaanle ku yiri i dhageyso wiilyahow oo si wanaagsan ula soco hadalkeyga waano iyo waayo-aragnimo intaba hakuu noqdee, sida aad adiguba ii sheegtay inanta bilan ah waxay ku nooshahay hoy ay ku dhaqanyihiin qoyska abtigeed,iyaduna waa qof uun qoyskaa kamid ah mana aha inay u madax bannaantahay in guriga ciddii ay doonto ku heysaa ,habeen haddii lagu martinimo laguu hooyo ku kale in laguugu darayo ma ogid, illeyn meesha kuma yaal guri aad adigu leedahay ama kii waalidiintaa ee aad kusoo bar-baartay, waa dhul inaga fog wax rayi ah-na uma haysid nolosha dhabta ah ee halkaa ka jirta, marka aabbo iyadoo uu xaalku sidaa yahay ayaan hadana ku kalsoonahay ninkaa saaxiibkey ah waxaan hubaa inuu ku wanaajin doono intii awooddiisa ah waa aabbahaa oo kale isaga ayaad la joogeysaa adigoo dhanka kalena hawlahaaga wata, kolley meesha uu degganyahay iyo halka ay bilan uga nooshahay waddanka sida uu ii sheegay ma aha magaalooyin si aad ah u kala fog, meeshu waa yurub haddii ay kala fogyihiin xittaa waxaa jira gaadiid dheereeya sida tareen oo kale, wiilkeygiyow waa ku kaa waanadu haku deeqdo anigu bilan kaama hor-taagni oo waxa aad usocataa ayaaba daraadeed ah balse marka hore waa inaad salka meel la heshaa, waxba ayaanu hadalku ila tegine bal haddaba iga hoo nambarkiisa maxamed xassan ayaana lagu magacaabaa ninkaa odayga ah waa nin meesha in muddo ah degganaa reer-na ku leh meesha, sidaa ayaa iga talo ah wiilkeygiyow. ayaanle si deggan ayuu u dhuuxay hadalladii aabbihii waxa uuna ku yiri aabo rabbi hakaa ajar siiyo taladaada wax ku oolka ah iyo dadaalka aad ugashay sidii aan ku tiigsan lahaa inaan mar uun tago talyaaniga si dadban iyo si toosan intaba, waana isugu key mid waddo kasta oo aan u maro safarkaa ee ducadaada ugu kaab in rabbi ii fududeeyo. wiilkeygiyow ducadeyda ayaad mar walba qabtaa talo iyo dar-daaran intii aad caawa iga maqashay waa inaad xilli walba maskaxda ku haysaa, war iyo dhammaantii waxaa lagaa doonayaa inaad diyaar-garowdo laba maalmood kadib waxaanu usii dhawaan doonnaa magaalada nairobi oo ah halka aad ka amba-bixi doontid haddii rabbi raalli ka dhigo ayaanle oo si aan laqiyaasi karin ugu faraxsan markaa laga hadlayo ambabixiisa ayaa yiri aabbo anigu xilli walba diyaar baan ahay adiga uun baan kaa war sugayaa. ayaanle habeenkaa si wanaagsan uma aanu ladin hurdada waxa uuna ka dhararsanaa inta waagu ka baryayo si uu bilan ula socodsiiyo farxaddaa heegada sare mareysa ee uu caawa ka hoyan layahay. subaxnimadii markii uu waagu baryey ayaanle waxa uu abbaaray dukaan kuyaalla bartamaha magaalada mombasa halkaasoo uu badanaaba macaamil ka ahaa haddii ay ahaan lahayd inuu taleefannada ka dirsado ama alaabo kaleba ka iibsado, balse xilligaa oo ahaa wakhti subaxnimo hore ah meeshu waa ay xirreyd, in kabadan saacad markii uu ayaanle dukaanka hor taagnaa ayaa la furay isagoo sidii deg-degi uga muuqato. dukaanlihii oo ahaa nin soomaali ah dhanka kalena la yaabban waxa subaxnimadan soo kallahiyey ayaanle ayaa damcay inuu suaalo sida ay wax u jiraan maadama aanay hore u dhicin in ayaanle yimaado dukaankiisa xilligaa iyo mid u dhow intaba, intii aanu afka ukala furin ayuuba ayaanle usoo hor-mariyey jawaabtii uu ka sugayey waxa uuna ku yiri adeer ha la yaabin kallahaadeyda subaxan wax dhib ah ma jiraan dhammaan reerkii wanaag ayaan uga soo tegey ujeedada aan usoo dheelmaday ayaa ah inaad ii wacdo nambarka telefoonkii talyaaniga dukaanluhu meel-dheer uma aanu doonin nambarka uu ayaanle doonayo in loo waco, sanado badan ayaa meeshiisa laga wacayey nambarkaa oo kaliya marka ay noqoto in ayaanle uu dibadda waco, dusha ayuuba ka xafidsanaaye isla markiiba taleefankii ayaa loo diray, dhegta markii uu saaray dhawaq dhicitaan oo darrandoorri ah kadib waxaa dhawaqii taleefanka maqlay oo kusoo baxay yoonis oo xilligaa isu diyaarinayey inuu u kallaho meel uu ballan kula lahaa dhallin-yaro ay wakhti badan hawlaha sharciyada isla soo baranayeen jaamacado dhowr ahna isla soo mareen, si ay si wada jir ah xafiis ugu furtaan kadib-na ay ugu wada shaqeeyaan xirfaddooda gar-yaqaan-nimo avvocato-nimo-lowyer-nimo. yoonis markii uu soo qabtay gacakii taleefanka isagoo moodaya inay usoo direen dhallinyarada uu la ballansanaa subaxaa ayaa hadalkiisii ku billaabay sida caadada u ah dadka talyaaniga ah iyadoo inta kale ee lajoogtaana ay la garanayaan: pronto,pronto buongiorno hallo,hallo, subax wanaagsan ayaanle markii uu maqlay erayga pronto ee taleefanka looga qabtay waxa uu is yiri ninkani ma nambarka ayuu kaa khalday isagoo taleefankiina damiyey mar kale ayuu ka codsaday inuu si wanaagsan ugu waco nambarka, ninkii ayaa ugu jawaabay waa sax nambarka ee adigu maad hadashid haddii lagula hadlay, ayaanle ayaa intuu qolay yiri talyaani ayey igula hadleen maxaan ka garanayaa, balse iidir taleefanka anigaa aqaanna markan sidan ula hadli doonee. mar labaad ayuu ayaanle diray taleefankii sidii oo kale ayaana looga qabtay markaasuu war kabillaabay, bilan, bilan ayaan u baahnaa ee ma joogtaa guriga yoonis ayaa ugu jawaabay raalli noqo walaal waxaan kuu maleynayey wiilal talyaani ah oo aan ballansaneyn sidaa ayan kelmadaha aad fahmi weyday kuugu iri raalli noqo mar labaad, bilan wey joogtaa suuliga ayeyna ku jirtaa ee kusoo celi wicitaankaaga ama khadka kusii jir sidii aad jeceshahay, ayaanle si fudud ayuu kuyiri walaal khadka ayaan kusii jirayaa ee fadlan u sheeg isla markii ay soo baxdo inaan sugayo, haka baqin taa aniga ayaa usheegaya ayuu yoonis ugu bishaareeyey ayaanle. daqiiqado kooban kadib markii ay kasoo baxday suuligii ayuu yoonis uyeeray kuna yiri gacaliso bilan adiga ayaan ku sugayey inta aad kasoo baxayso ee wakhti hore ayaanba bixi lahaa taleefan baa kuu yaalla oo qofbaa khadka kuugu jira malaha qaraabadii ayaa afrika kaasoo wacaysa. waad mahadsantahay amore mio buona fortuna, nasiib wanaagsan jacaylkeygiiyowaniga ayaa utagaya ayey bilan ku tiri yoonis oo markaa albaabka kasii baxayey iyada oo aan hakad gelin qalbigana uusan ka gelin in qofka khadka ku jiraa uu ayaanle yahay ayey u dhaqaaqday dhankii taleefanka, dhegta markii ay saartay oo ay hallo tiri-na ayaanle ayaaba ka dhex guuxaya. isbariidin kadib ayaanle waxa uu bilan uga faallooday waxyaabihii kusoo kordhay habeenkii xalay ahaa, isagoo aad ufaraxsan ayuu kuyiri bilaneey sitimaanka soo socda maalinta khamiista ah ayaan soo amba-bixi doonaa haddii rabbi idmo intii ka sokeysana waan iska war heyn doonnaa. bilan oo muujinaysa sida ay dhankeeda ula qabto farxaddaa ayaa tiri gacaliye si weyn ayaan runtii ugu farxay mar haddiiba uu safarkaagu soo dhowyahay, markan wixii kadambeeya waxayba u egtahay inaan isu iman doonno oo aan isku meel kuwada noolaan doonno, intaa markii uu bilan hadalku umarayo ayey saacad weyn oo derbiga qolkii fadhiga oo ay ku jirtay surneyd dib u qooraansatay waxay aragtay in wakhtigu lasii tegayo waxayna ayaanle uga cudur-daaratay in sheekada aanay sii wadi kari oo ay dooneyso inay waxbarashadeedii usii cararto, cudur-daarkaas si ay qadarini ku jirto ayuu ayaanle uga aqbalay,si farxadi ku jirto ayaana subaxaa leysu macasalaameeyey. wakhtigu waxa uu socdaba waxaa lasoo gaaray xilligii lagu ballansanaain ayaanle uu ka amba-baxo magaalada nayroobi. waxay ahayd subaxnimo khamiis ah taariikhduna waa 05/06/1997 ayaanle iyo afar rag ah oo midkood uu yahay ninka iyaga dhan indhaha u ah lacagtana uga qaatay inuu yurub caynka ugu furi doono ayaa abbaarihii 05:25 daqiiqo ee subaxnimadaa waxay ka amba-baxeen garoonka dayuuradha joma kenyata ee magaalada nairobi, iyagoo khadka safarkooduna ahaa (nairobi-keynya- istanbul-turkey ( istanbul-turkey - milan italy) abbaarihii 11:38 daqiiqo ayey ka degeen magaalada istanbul ee dalka turkiga safarku maalintaa waxay ahaayeen kuwa baaqi kusii ahaada hoolka transit-ka illaa laga gaarayey.....waa socataa lasoco qeybtii 27aad insha allaah
Posted on: Sat, 26 Oct 2013 17:36:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015