Waa Qeybtii 8aad Iyo qisadii Khaalid iyo Hodan Maalin - TopicsExpress



          

Waa Qeybtii 8aad Iyo qisadii Khaalid iyo Hodan Maalin Wanaagsan mise waa Hodan intuu is hagaajiyay sidiiyo ay guriga ugu soo galayso ama uu qaabilaayo ayuu si naxariis leh u yidhi… Hallo qalbigaygii Hodaneey Hallo macaan Khaalid Markay intas is waydarsadeen ayay bilaabeen sheeko qaadatay wakhti badan ilaa ay gadheen inay wada hdlaan ku dhawaad salaadi subax habeenkaasina waxa uu ahaa mid kamida habeenada noloshooda ugu wanaagsan ee soo mara labadoodubana hurdo may seexan oo waa ku dhawaadki ayay telephonka kala dhigeen isla markay dhigeena mid walba waxa u bilaabmay xisihii uu jacaylku lahaa marka uu curdinka yahay amaba cusub yahay mid walibana goonidiisa ayuu jacayl ka u adkaynayay. Jacaylku waa nolol farxad wadata oo laba qof oo dadka iska xushay dhexmarta,qofka uu jacaylka dhabbta ahi ku dhacay waa qof si wayn u garanaaya micnaha jacaylka marka laba qof jacaylka lagu daadihinaayana kaba sii qurux badan oo waxa laga dheehdaa mustaqbal iftiimaya sida dayax shan iyo tobanaada macaanka iyo farxada iyo nolosha wanaagsan ee laga dhadhamiyana qof jacayl qof kale la dhadhamiyay ayuun baa garan karaaya quruxda uu leyahay jacaylkuna waa qani waa qaanso iyo leeb waa nabar damqanaya hadii aan la dhawrin muxibadiisuna waa kalgacal aan dhamaanayn dhacayn dheeliyayn waligii waana dareen dhalanteed ka wayn. Jacaylkuna marka uu curdinka yahay maalmaha horena ku jiro qof walba waxa uu soo bandhigaa jacayl aad u xeeldheer iyo soo jiidasho aad u saraysa oo uu qofka kale kuraali galinaayo Khaalid iyo Hodana waxay kala sinayeen dadka jacaylka isku qaba iyakoo is tusin jiray wax wal oo laba is jeceli ay isa siyaan kalsooni iyo is aaminid ayay marwalba isku muujin jireen ilaa ay gadheen inaad moodid inay si rasmiya isku guursadeen heerka uu jacaylkoodu maraayo maalinwalba marka ay jaamacada nusasacaha soo baxaan ayay isa sugu jireen iyadoo hadii uu mid soo hor baxo aanu xiisada ku noqon jirin ilaa uu arko lamanihiisa jacaylkooduna waxa uu gaadhay heer ay habeen oo dhan telephon ka kawad hadlaan habeenada qaarna uu waagu ugu baryoba siday uwada hadlayaan sheekadu macaanaa marka ay labada qof raalida isku yihiin turxaantana ka ilaalinayaan iskuna niyad san yihiin is xaq dhawrayaana midba kan kale xumaanta iyo waxa niyadiisa wax yeelaya ama jacaylka dhantaalaya uu ka ilaalinaayo hadlkooda iyo sheekadooduna waxay ku koobnayd inay is waydarsadaan hadalo iyo murti jacayl ku dheehan yahay. Kulanda dhex maraa inta badan waxay ahaayeen qaar jaamacada ka dhici jiray wakhti koobana qaadan jiray caashaqa ka dhexeeya Khaalid iyo Hodana waxa uu ahaa mid dhamaan ardayda jaamacada iyo dhaman dhalinyardu ogayeen waxaan iyaduna ka maqnayn dadka og Haboon oo saxiib la ahayd Hodan iskuna dheerayeen lakiin uu jacayl wax walba dhaafiyay iyadoo Haboon imika ku dadaasha siday nolosheeda caadiga ahayd ugu so noqon lahayd jamacadeedina u sii wadan lahayd nafteedana ku qancisay inuu calafku wax jira yahay. Khaalid iyo Hodana waxay dhiseen nolol iyo jacayl lugo adag ku taagan inta badan waxay ahayeen laba isku niyad san oo dhib iyo dheefba wadaaga wakhtiga ayna wada joogina waxay ku kala bogan jireen telephonka iyaka oo is tusinaaya heerka uu jacaylkoodu maraayo kulanda dhex mari jiray waxa kamid ahaa kulan aad u xiiso badnaa oo ku dhex maray Hutel Summer Time kaas oo ahaa mid aad u xiiso badnaa Khaalid oo waayadan danbe quruxdiisa iyo labiskiisu ay is heleen waxa uu goobta balanta oo suuqa ahayd yimid mar hore Hodan kamay liidan oo way soo dheeraysay markiibana waxay ku sii tukadeen suuqa iyakoo u ambabaxay goobtii balanta ee Hutel Summer Time markiibana fadhiistay muntul kamida muntulada loogu talo galay dadka cuntaynaya isla markiibana waxay bilabeen sheeko iyako is waydaarsaday erayo aad u udgoon sida cadarka ama dareenka qofka kicinaaya jacayl rasmiyana ku beerya marka ado arkaaya uu qofkii kugu yidhaado waxana kamid ahaa erayadii ay is waydarsadeen…… Waxan bisin ka loqaban Barqad yelan Mayan Yan ka boodin furehee Bismilahi WA kow Salan baxad waynoo Booga an kasoo jaray Aan kugu badbadshee Hodaneey manabadbaa Intaas markuu yidhi ayay Hodan hadalka qaadatay iyadoo tidhi… “Macaanoow iga gudoon salaan, aan maaxanaayey maalmo badan, murti iyo macno wayn xambaarsan, malo awaal ka Dheeroo manafacaad wada. Gacaliye Khaalidow, hadaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo, Wabi baan muquur too ma nooli, Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda, Maalintaan ku waayana waan malganahay.” Khaalid markay intas tidhi ayuu aad u yaabay isaga oo hadalkii Hodan laabtiisa taabatay ayuu yidhi… Qalbigayga nuurkiisii Hodaneey marna ha u malayn in inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada markaan ku garwaaqsadana waa damqashadaydii iyo halkeedii, qalbigeguna waa qalbigii dunida oo idli kaa yaqiinsaday waa qalbigii aad gcan saarka uusan igala tashan kula lahaa waa qalbigii aad waxwalba u ahayd waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihiisa ku saaqi jirtay waa qalbigii markasta oo uu niyada kugu qabto kula kulmi jiray isagii oo waxkasta iyo hurdo kasta ka hor marinaaya kulankaaga balankaatada Hodaneey gacaliso waxan kuu jecelahay si anan qiyaasi karayn. Hodan aad ayay ula dhacaday hadalka gacaliyaheeda ee nuxurka wayn xambaarsanaa waxayna aad u qarwaaqsanyd inuu si dhaba u jecel yahay habeenkaasina waxa uu u ahaa habeen kamida kuwa noloshooda ugu farxada badan ee soo mara ee aanu midna ilaawi Karin hadalada murtida iyo dareenka leh ee ay is waydarsanayeen niyada ay isku dhisanyeen iyo balanta ah inay nolol ilaa heer mustaqbal ah wadagaan iyakoo jacayl dartiis noqday laba aan kal jeedsan Karin kuna sigtay inay isku dul oyaan ayuu mudalbkii dul yimid una keenay cabitaan qabow iyo cashar heer sare ah iyako wadaagay mid walibana kan kale gacantiisa ku sinayay afkana ugu guraayay jacaylku marka uu raalida yahay xiisa badanaa hadii uu mid ku yaraa xataa oo niyad saafi ah laysku muujiyo waxa la arkaa isagoo kii kale ku wayn oo la simayn yahay jacaylkooduna waxa uu ahaa mid waxwalba lays waydaarsado oo kalmado xiiso iyo qiiro galin leh laysku oo dhan jiray marwalba waxayna habeekaas kala tageen iyakoo uu jacaylkoodii intii hore ka sii koray kana sii xoog batay halkii uu markii hore tagnaa iyakoo balantooda mustaqbalka ka wad hadlaaya ayay wedhahani is waydarsadeen waxaana ku horeeyay Khaalid oo yidhi… Sidaan ahay sifafaalaheygiyo, sarta aan ka jeexo sii daayo faraskee saxan saxo udgoon, saatirkay I siyay baan halamsanayaa gacaliso,waxaan tabaayo warkayga ka maqan waa adiga hadaan adiga ku haystana nafta way damaashaada ee gacalooy diyaar ila ahow aan wada riyaaqnoon guri wada yagleel gacaliso, waxaan marwalba danaynayaa inaan dhinacaaga joogo naftu waxay jeclataa inaad sidayda oo kale adna ii ahaato xidhiidhkana dhinacaaga ka adkaysid waxaan door bidayaa inaan kuu imaado oo ku soo booqdo maxaa yeelay hadii aan ku wayo noloshu waa micnaawi oo ceesh iyo cabitaan midna iima dhadhamayaan sidaa darted bal tixdan geeraarka ah dhaayahaaga la raac oo sadar sadar u dhagayso. Dheemantii hablahaay dhacdadan iga dhagayso Gelin dhexe habeenkii Dhaayuhu xusuusbay Dhinacyada jaleecaan Dhagahuna codkaagay Intaa say dhaafi waayeen Dhumuc baa saaranee Inta aanan dheeliyin Dhakafaar igu kordhin Dhuuboy dhexyareey Dhinacaaga ila qabo Ilaa aan guri ka yagleelno. Hodan habeenkaas waxxay ahayd dhagayste wanaagsan waxaanad moodaysay mid daalan ooo burbur san aan waxba qaban Karin hamiga jacaylka dartiis tiraabahay tidhina waa ay ahaayeen sidan “Macaankii naftaydoow dawadii noloshaydoow dadka kaan ka doortow sow inan kuu sheego sidii ay naftaydu kuu tabayso jid dheer u maan soo Marin markii aan ku arkayna sow xaadu jacayl dartiis ima istaagin dheemankii naftaydoow dharaar iyo habeen dhabaaladii jacaylkaan dheef kaaga dhigayaa dhankaad iga xigtaad ku soo dhadhabyaa noloshayduna adiga la’aantaa waxay ii tahay maleh jacaylka aan xoojino gurina u dhisno ilaa heer mustaqbal gacaliye. Lasoco…………………….Qeybta 9aad
Posted on: Wed, 09 Oct 2013 08:49:23 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015