Waa SHeeko aan Caadi Ahayn.............Alshabaab Iyo Gaal Nacayb? - TopicsExpress



          

Waa SHeeko aan Caadi Ahayn.............Alshabaab Iyo Gaal Nacayb? Hadana Si Dialy Ah ayaay u isticmaalan Shay o Gaaleed? Lool Waxey ku soo far-xasheen biyo soo saaristooda loo isticmaaley matoor leicester ah, dabeedna waxey u fariisteen qado ayagoo cunaya Baasto Talyaani iyo Bariis Thailand-ays ah oo la isku darey, Coca-Cola iyo Faanta ninba dooqiisa ayey ka daba geeyeen, koob koob shaah ah oo lagu darey sokorta Brazil-na miyirka ayey ku dajiyeen, ka dibna Makarafoon Chinese ah ayaa loogu yeerey ayadoo lagu ogeysiinaayo in ay isugu yimaadaan muxaadaro uu jeedinayo amiirkoodu.. waxey goobtii yimaadeen ayagoo wada xiran cimaamado guduudan oo Taiwan ay soo saartey, gacamahana waxey ku wada wateen telefoon gacmeedyo (Mobile) Japan ah, dhamaantood waxey ku hubeysnaayeen qoryaha AK-47 iyo BKM oo labaduba Ruush ah, gadaalna waxaa u yaalley gaadiid qoriga dhashiikahu uu ku rakiban yahey oo asna Ruush ah. Intii Amiirka ay sugayeen waxaa loo sii shidey cajalado video ah oo laga soo duubey dagaallo Afgaanistaan ka dhacey ayadoo la isticmaaley Dhalo Samsung ah, dabadeed Kompiyuuter (PC) iyo Printer HP ah ayaa waraaqihii muxaadarada lagu soo daabacey, Amiirkii ayaa ka soo dagey gaari kuwa raaxada ah oo noociisu yahey Toyota, asagoo xiran saacad swiss ah, gacanta ku wata i-pad, ayna ka soo baxeyso carafta barafuun lagu soo farsameeyey Franca, isla markaana sinta ay ugu xiran tahey bistoolad Belgium ah ayuu wuxuu isa soo taagey goobtii loo diyaariyey, wuxuuna muxaadaradiisa cinwaan uga dhigey Naceybka Gaalada iyo ka Fogaantooda, asagoo qofkii dhintana u bishaareeyey, kii dhaawacmana daawo tayo leh oo Jarmal ah in lagu daaweynayo u sheegey, Markuu muxaadardii dhameeyeyna wuxuu ku dardaarmey in baraha internet-ka lagu faafiyo, BBC-da iyo VOA-da la siiyo.
Posted on: Sat, 05 Apr 2014 06:14:54 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015