War Deg deg ah– Raysal Wasaare Saacid oo ku guuldareystay in uu - TopicsExpress



          

War Deg deg ah– Raysal Wasaare Saacid oo ku guuldareystay in uu soo daayo Korneyl Cabaas Warar hoose oo dublamaasiyadeed oo iminka soo gaaray Puntlandi ayaa Xaqiijiyey in Raysal Wasaare Saacid uu si toosa ulasoo xiiray Xafiiska Midowga Afrika ee Nairobi , Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mohamed Saleh Anatif oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa Raysal Wasaare Saacid la soo xiriirey, wuxuuna Raysal wasaaruhu codsadey in si deg deg ah lagu sii daayo Korneyl Cabaas oo ay dhowaan xukuumaddiisa ay u soo magacaawday abaanduulaha ciidamada Jubaland, kaasoo markii hore Col. Makoombo loo soo magacaabay laakiin lagu guul dareystay. Sida aan warka ku helney Ambassador Mohamed Saleh Anatif wuxuu u sheegay in RW Saacid uusan la safan kooxaha qalaasaha ka wada Kismaayo islamarkaana kooxahaas looga shakisan yahay inay la shaqeeyaan Al-shabaab. Ambassador Anatif ayaa wuxuu kaloo u sheegay RW Saacid in Baaqii arimaha Jubooyinka(Resolution) ee ahaa inta ay socdaan wadahadalada Dublamaasiyadeed ee Arimaha Jubooyinka ineysan jiri karin cid qaadi karta talaabo ama dhaqdhaqaaq amaanka wax yeelaya, tasoo uu hoosta ka xariiqay inuu korneylku ku xadgudbay. Dhinaca kale sida aan warka ku heyno Ambassador Anatif iyo Raysal Wasaare Saacid ayaa aad ugu kala afkaar duwanaaday wadahadalka hadda ka bilaawday Adsi-Ababa oo uu Raysal Wasaaraha ku codsaday in Stakeholders Jubaland lagu daro kooxaha sheegtay madaxweynayaasha sida Barre Hiraale iyo Iftiin Baasto. Arrintaan baa meesha ka saareysa sheekadii ahayd in DF aysan haba yaraatee aqoonsaneyn kooxaha iskood u sheegtay madaxweynayaal Jubaland. Col.Cabaas oo horey ciidan Gedo u gala yimid qaybna ka ahaa sugida amaanka magaalada xiligii shirku ka socday Kismayo ayaa la sheegayaa in todobaadkan uu Muqdisho gaaray oo kulamo la soo yeeshay DF ka dibna ku soo laabtay magaalada isgaoona bilaabay dhaqdhaqaaq ciidan. Xariga Kornaylka ayaa lala xiriirinayaa qaraxyadii shalay lala eegtay ciidamada AMISOM ee ka hawlgala magaalada,waxana Ciidanka Jubaland ay shegeen dhankooda inay bilaabayaan hawlgal balaaran oo magaalada looga sifaynayo kooxaha nabada khalkhalka gelinaya. Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey waxaa hadda lagu hayaa Saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Wajeer, waxaana lagu eedeynayaa inuu ku luglahaa Weraro amaan xumo oo ka dhacay kismaayo, weeraradaasoo qaarkood lagu soo qabqabtey Dagaalyahano Al-shabaab ka tirsan
Posted on: Fri, 28 Jun 2013 17:43:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015