Wararkii Ugu dameeyey ee Westgate: Wali waxaa socda howl galkii ay - TopicsExpress



          

Wararkii Ugu dameeyey ee Westgate: Wali waxaa socda howl galkii ay wadeen ciidamadda dowladda Kenya oo gacan ka helaya sirdoonka Israaiil, iyadoo wasiirka arimaha gudaha ee Kenya uu sheegay inay imika ay wadaan talaabadii ugu dameeysay oo ay kusoo afjarayaan howl-galka. Ilaa imika dhimashadu waa 68, 175 dhaawac ah iyo 1000 qof oo soo bad baaday. Dhanka kale, Maxkmadda ICC ayaa u ogolaatay Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto oo jooga magaalada The Hague ee dalka Netherland hal asbuuc oo fasax ah oo uu ku tago dalkiisa si uu uga qayb qaato xaaladda weerarka ee soo food saartay dalkiisa. Goobaha caafimaadka waxaa buux dhaafiyey kumanaan Kenyaan ah oo doonaya inay dhiig u shubaan dadka dhaawaca ah, busaska iskaga dhex goosha magaalada ayaa qiimo dhimis sameeyey si ay u daad gureeyaan dadka dhiiga raba inay bixiyaan.
Posted on: Mon, 23 Sep 2013 08:42:55 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015