Warbixin+Sawiro) Wasiirka Waxbarashada Puntland oo kulamo uga qayb - TopicsExpress



          

Warbixin+Sawiro) Wasiirka Waxbarashada Puntland oo kulamo uga qayb galay New York Wasiirka waxbarashada Abdi Farah Juxa ayaa todobaadkan shir caalami ah oo waxbarashada adduunka looga hadlaayo kaga qayb galay magaalada New York. Shirka waxaa soo abaabulay xafiiska Gordon Brown [raysal-wasaarihii hore ee Britain, waxaana looga hadlaayey sidii loo dardar gelin lahaa qorshaha loo yaqaan Milanium Development Goals oo ay hadda ka harsan tahay labo sano. Waxaa shirka la hor dhigay warqad loo yaqaan COUNTRY PAPER oo ay qeexaysa caqabadaha hortaagan waxbarshada Puntland, Somaliland iyo Dawladda federaalka. Waxaa kaloo shirka ka qayb galay wafuud ka socotay Somaliland. Wasiir Mariam Qasim uma suurtogelin in ay timaado shirka waxaana kaalinteedii buuxiyey Wasiir Abdi Farah Juxa oo ay u wakiilatay. Arrimaha sida gaarka ah hoosta looga xariiqay waxaa ka mid ah: Sidii loo kordhin lahaa tirada ardayda waxbarata. Sidii loona hagaajin lahaa tayada waxbarashada iyo weliba sidii gacan loo siin lahaa hay’adaha waxbarshada gacanta ku haya iyo wasaaradaha. Waxaa kaloo xoogga la saaray waxbarshada gabdhaha reer-guuraaga, barakacayaasha iyo dadka waxbarshada gaarka ah u baahan, Waxaa shirka kasoo qayb galay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin GPE, UNICEF, UNESCO, WORLD BANK, USAID waxaana gudoominayey shirka Gordon Brown. Waxaa aad loo soo dhoweeyey horumarka laga sameeyey xagga waxbarashada Puntland, waxaana hoosta laga xariiqay in dadaalkaas lasii wado., Waxaa kaloo shirka joogay wakiilo ka socda Dalalka Denmark, Norway iyo EU. Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Juxa wuxuu kale oo ka qayb galay intuu joogey New York kulan ka dhacay xarunta UN-ka oo uu gudoominayey Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Banki-Moon, ayna joogeen madaxweynayaasha South Africa, Musampique, Bangaladesh, Ukrain iyo dhowr dal oo kale oo la aqoonsaday in ay horumar sameeyeen. Wefdiga waxbarashada ee Puntland iyo Somaliland si wada jir ah ayey u difaacayeen waxbarashada iyo danaha carruurta Soomaalida Wasiirka Waxbarashada wuxuu maanta u dhoofey Dalka Denmark ,waxaayna halkaas ku kulmayaan wafdi kale oo Puntland ah oo isla maanta imaanaya Denmarka oo ay hogaaminayso Wasiirada Haweenka iyo horumarinta Qoyska Puntland Marwo Xaliimo Xasan Xaaji, waxaana ka dib halkaas uga bilaabanayso booqasho shaqo. Sawirada kulamadii New York ee wasiirka hoos ka eeg
Posted on: Sun, 29 Sep 2013 18:36:03 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015