Wargeyska The Sun ayaa sheeganaya in tababaraha cusub ee Man - TopicsExpress



          

Wargeyska The Sun ayaa sheeganaya in tababaraha cusub ee Man United David Moyes inuu iska dhegotiray baaqii Sir Alex Ferguson ee aheyd inuu sii ceshto shaqaalaha tababarka ee kooxda ee uu Sir Alex ku heystay Old Trafford. David Moyes ayaase keensaday shaqaalihiisa u gaarka ah isagoo ceyriyay dhamaan shaqaalihii tababarka ee Man United ee la shaqeynayay macalinkii ka fariistay ciyaaraha xagaagii Sir Alex Ferguson. United ayaa haatan ku jirta kaalinta 12aad ee kala sareynta horyaalka Premier League iyagoo leh 7 dhibcood lix kulan oo ilaa iyo haatan la ciyaaray, waxaana xilliga isbedelka ah ee u dhaxeeyay macalinkii hore iyo macalinkii cusub uusan noqon sidii ay filayeen jamaahiirta Old Trafford. The Sun ayaana sheeganeysa in Ferguson uu u sheegay Moyes inuu ceshto rag ay ka mid ah ahaayeen Rene Meulesteen, laakiin tababaraha cusub ayaa iska dhegotiray taladii uga timid Ferguson, islamarkaana albaabka tusay dhamaan shaqaalihii tababarka ee United
Posted on: Mon, 30 Sep 2013 12:10:26 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015