Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane - TopicsExpress



          

Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ku guuleystay in garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde laga qaado xayiraaddii caalamiga ahayd ee ay saartey ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan Duulista iyo Saadaasha Hawada ee loo yaqaano (ICAO). Wasiirka oo dadaal dheer ugu jiray sidii ay wasaaraddiisu usoo celin lahayd adeegyadii ay umadda u heysay ayay middani noqonaysaa guushii ugu dambeysay ee umadda Soomaaliyeed usoo hoyatay. Raymond Benjamin oo ah Xoghayaha Guud ee Hay’adda ICAO ayaa warqad qoraal ah oo uu usoo diray wasiirka uga mahadceliyay dadaalka Wasiirku ugu jiro dib uhawgalinta adeegyadii Wasaaradda khaasatan midka Gaadiidka Cirka isagoo xaqiijiyay in heshiiskii ay dhawaan wasaaraddu la gashay hay’adda ICAO ee la xiriiray hawada Soomaaliya uu kusocdo sidii loo qorsheeyey. Raymond Benjamin ayaa warqaddiisa ku sheegey in hay’adda Caalamiga ee loo yaqaano ICAO ay dib uga noqotay xayiraaddii iyo xiritaankii garoonka Aaden Cadde. Arintan ayaa kusoo aadday xilli dayuuurado badan oo caalami ah ay rabaan inay duulimaadyo ku yimaaddaan Soomaaliya, balse waxaa hortaagnaa xayiraadda caalamiga ah oo ka dhigaysay garoonka Aaden Cadde mid aan la dagi Karin kana xiran caalamka. Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde ayaa la xayiray kadib markii hawada Soomaaliya lala wareegey 19 sano ka hor. Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo safar shaqo ugu maqan dalka dibaddiisa ayaa sheegey in guushani ay tahay mid kale oo ay wasaaraddiisu usoo hoyisay umadda iyo Qaranka Soomaaliyeed. ” Waxaan waqti badan galinay inaan waxii caalamka inooga xiran marka hore xoogga saarno oo aan kasoo dhamaano, tanina waxay kamid ahayd arimihii inooga xirnaa caalamka waana illaahay mahaddii haddii maanta aan ku guuleysanay in garoonkeenu yahay mid aan xayiraadi saarneyn oo diyaaraha caalamka isaga goosha ay imaan karaan” Ayuu yiri wasiirka oo la hadlay Website-ka Radio Muqdisho. Bishii May ayay ahayd markii wasiirku ku guuleystey in dawladda Soomaaliya ay dib ula soo wareegto hawadii Soomaaliya(Somali Airpace) muddo 19 sano kadib ah taasoo lagu wado in dhaqaale wanaagsan kasoo galo dawladda Soomaaliyeed marka si toos ah ay wasaaradda ula soo wareegto bisha January ee sanadka 2014.
Posted on: Fri, 05 Jul 2013 13:34:40 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015