Wax yaalaha Soonka jabiya 1) Maalinta Ramadaan ee qofka uu - TopicsExpress



          

Wax yaalaha Soonka jabiya 1) Maalinta Ramadaan ee qofka uu soomanyahay xaaskiisa xalaasha ahayd xaaraan ayey ka tahay galmo inay dhexmaro,waxay ka mid tahay wax yaalaha maalinta soonka jabiya. Qofka ku dhaco galmada waxaa ku waajibaya arimo badan, maalinta soonkeed wuu ka burayaa, waxaa kale ku waajibays, 1- inuu qof xoreeyo, haduu kari waayo 2- 2 bil oo isku xigto ayuu soomayaa, haduu kari waayo 3- 60 Miskiin ayuu cunta siin. قال الله تعالى: {فَالآنَ بَـاشِرُوهُنَّ وَابْتَغُواْ مَا كَتَبَ اللَّهُ لَكُمْ وَكُلُواْ وَاشْرَبُواْ حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ ثُمَّ أَتِمُّواْ الصِّيَامَ إِلَى الَّليْلِ } [البقرة: 187] 2) Qofka oo biyaha si ulakac ah iskaga keena, ama dhunkasho ha kaga yimadaan ama taabasho ama gacantiisa oo isticmaalay siduu doono ha iskaga keene waa biyaha oo iska keeno, wuu burayaa soonka, maalintaa soonkeeda wuu ka jabayaa, wuuna qaleynayaa maalintaa dib ayuu u soo celin. Hadey biyaha uga yimaadan si aan ula kac aheyn, sida fakar inay ku yimadaan ama asagoo hurda ay ka yimadan oo uu riyooday, soonkisa wax ma noqonayo, wuxuu ku jabayaa kaliya iska keenida. «يَدَع طعامَه وشرابَه وشهوتَه من أجْلِي»، رواه البخاري. 3) Cuntada iyo Cabitaanka waxey jibayaan Soonka. {وَكُلُواْ وَاشْرَبُواْ حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ ثُمَّ أَتِمُّواْ الصِّيَامَ إِلَى الَّليْلِ } [البقرة: 187] 4) Waxa cuntada iyo cabitaanka la mid ka ah, booska cuntada iyo cabida ayey gali karan, sida cirbada u qalant cuntada ee dadka xanuunsan la suro, dhiiga oo lagu shubo qofka wuu burinayaa soonka, hadu sida sameeyo maalinta wuu soo celin dib ayuu u qaleyn. 5) Inu qofka si ula kac ah isku matajiyo, farta ama gacanta ha is galiyo, ama si kale ha iskaga keeno, maalinta soonkeeda wuu ka jabayaa, wuuna soo qaleyn, lakin hadu ka xoog bato mataqa uu isk yimaado qofka ma soo celinayo wuu u jira soonkaa. لقول النبي صلى الله عليه وسلّم: «منْ ذَرَعه الْقَيءُ فليس عليه قضاءٌ ومَن استقاء عمداً فلْيَقض»، رواه الخمسة إلا النسائيَّ وصححه الحاكم 6) Dhiiga dhalmada ama caadada oo dumarka u gaar ah way jabinayaan soonka. لقولِ النبي صلى الله عليه وسلّم في المَرْأةِ أليس إذا حاضت لم تُصَلِّ ولم تَصُمْ؟ اللَّهُمَّ وفِّقْنَا لاغتنامِ الأوقات، وشغْلِها بالأعمالِ الصالحات، اللَّهُمَّ جُدْ علينا بالْفضلِ والإِحسان، وعاملنا بالعفوِ والغُفْران، اللَّهُمَّ يَّسرْنَا لليُسرى، وجنِّبْنا العُسْرى واغْفِرْ لنا في الآخِرةِ والأولى، اللَّهُمَّ ارزقنا شفاعةَ نبيِّنا وأوْردْنا حوضه وأسقِنَا منه شربةً لا نظْمأ بعدَها أبداً يا ربَّ العالمين. اللَّهُمَّ صلِّ وسلِّم وباركْ على عبدِك ونبيِّك محمدٍ وعلى آلِهِ وأصحابِه أجمعين
Posted on: Thu, 04 Jul 2013 15:08:23 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015