XUSUUS QORKA GABDHAHA: Waxaan isku dhacnay maanta oo aan kala - TopicsExpress



          

XUSUUS QORKA GABDHAHA: Waxaan isku dhacnay maanta oo aan kala tagnay gacaliyaheyga, Waxaan ku dhahay, “Ma faraxsani” asigane muuba I waydiinin sababta aan la faraxsaneen, Ima jeclo mana iga fikiro, waayo haduu I jecelyahay, wuu I waydiin lahaa sababta aan la faraxsaneen, Anigane waxaan go’aansaday in aan ka dheeraado noloshiisa, Lakiin Waxaan is dhahaayay wuu ku celin doonaa, wuxuuna kudhihi doonaa, “Ha iga fogaanin” lakiin taas maysan dhicin. Sidaas ayaana ku waayay ninkii aan in mudo ah sugaayay. XUSUUS QORKA WIILASHA: Maanta ayay iga fogaatay macaantadeyda, Waxay igu tiri ma faraxsani, anigane dhaawac ayay igu noqotay in aan waydiiyo sababta aysan la faraxsaneen, Waxaana rabay in aan celiyo oo aan joog kudhaho, lakiin hadii aysan igu faraxsaneen, maxaan u ceshanaayaa? Hadey igu qanacsantahay aniga “Ma faraxsani” maysan I dhahdeen. Sidaas ayaana ku waayay gabadhii aan ku riyoon jiray marwalbo. #Dhibaatada heysato dhalinta hada jirto, waxyar oo aan macno lahayn ayay labo qof oo in mudo ah soo wada socotay ku kala tagaan.
Posted on: Tue, 27 Aug 2013 14:35:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015