Xafiiska Madaxweyne Xasan sheekh oo Hanjabaad u diray saxafi - TopicsExpress



          

Xafiiska Madaxweyne Xasan sheekh oo Hanjabaad u diray saxafi soomaaliyeed+ Document cadeen ah November 17, 2013 - Written by Farhaan Maxamuud Iyadoo khilaaf xoogan oo sallka ku haya is qabqabsi siyaasadeed uu ka dhaxeeyo madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa dhawaan Tv-ga qaranka soomaaliya waxa uu barnaamij ka diyaariyay oo uu baahiyay waxqabadkii xukuumada R’iisul wasaare saacid mudadii halka sano oo ay xilka heysay. Waxaa barnaamijkaasi si aada uga xanaagay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaana Tv-ga Qaranka lagu amray in barnaamijkaasi aanan lagu soo celin isla markaana barta Youtube-ka si deg deg ah looga saaro. Balse isla marki Barnaamijkaasi lasoo dhigay barta Youtube-ka ayaa si Deg Deg ah waxaa ku qabtay barnaamijkaasi Saxafi soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamuud Cumar “garfiiq”. Saxafiga ayaa soo download gareeyay soona dhigay bartiisa Youtube-ka waxaana muuqaalki qaatay oo warbixino kala duwan ka diyaariyay inta badan Websetyada soomaalida. intaasi kidib ayaa Wariye Cabdulaahi Maxamuud Cumar “garfiiq” waxaa soo gaartay hanjabaad ku aadan in muuqaalkaasi uu si deg deg ah uga saaro barta Youtube-ka balse Cabdulaahi ayaa sheegay in barnaamijkaasi uusan ka saari doonin barta youtube-ka isla markaana wixi u qoran ay ku dhacayaan. “walaal waxaa isoo gaartay hanjabaad ku aadan in aan youtube-ka ka saaro barnaamij uu ka xanaagay madaxweyne Xasan Sheikh oo ku saabsanaa wax qabadkii xukuumada saacid TV-ga Qaranka wee ka saareen barta Youtube-ka balse aniga kama saarayo wixii ii qoran mooyee wax kalena ma igu dhacayaan” ayuu yiri Wariye Cabdulaahi garfiiq.
Posted on: Mon, 18 Nov 2013 08:44:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015