Xiddiga kooxda Real Madrid ee Ronaldo ayaa hoosta ka xariiqay in - TopicsExpress



          

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Ronaldo ayaa hoosta ka xariiqay in uusan dan ka laheyn arinta la xariirta hishiiska cusub ee Barcelona kooxda ku keenaan xiddiga reer Brazil ee Neymar . Ronaldo oo wariyaasha ay su`aashaan ku weydiiyeen Singapore oo uu fasaxiisa sanadlaha ah ku qaadanayay ayaa yiri ” ma daneeyo waxa ka dhaca Barcelona , aniga waxaan u ciyaaraa kooxda ugu fiican aduunka , kaliya waxaan daneeyaa kooxdeyda”. Rajada kooxdiisa Real Madrid ee xilli ciyaareedka dambe ayuu Ronaldo ka yiri ” waxaan dooneynaa in dhamaan aan ku guuuleysano tartamada aynu ku jirno , ka dib xilli ciyaareed niyad jab ah oo na soo maray”. Waxaa xusid mudan in Real Madrid oo haatan yeelatay tababare cusub in xilli ciyaareedkii hore ay ku dhameyseen bilaa koobab , waxaana hogaaminayay Jose Mourinho . Ronaldo ayaa waqti hore oo shalay ah sheegay in uu u xiisay horyaalka Ingiriiska sidaas oo ay tahay uu ku faraxsan yahay kooxda Real Madrid oo uu sheegay in ay tahay kooxda ugu fican aduunka .
Posted on: Thu, 04 Jul 2013 17:20:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015