Yoousafzai oo noqotay gabar magac weyn ku leh bulshada caalamka - TopicsExpress



          

Yoousafzai oo noqotay gabar magac weyn ku leh bulshada caalamka dhexdeda. Qof kasta oo anaga naga mid ah waxuu maalin waliba kuhamiya,sidii sharaf iyo magac macquul ah ,qoyskiisa ugu soo hoyn lahaa,gabar kasta iyo wiil kastana waxey raacaan wadada ay u arakaan in ay macquul tahay,kadibna waxaa qof waliba kahiiliya ama uhiiliya nasiibka,oo nasiibka ayaa wax waliba fure u ah. Waxa aan kuu haaya waa taariiqda gabadha dada yar yousafizai malala ee reer Pakistan ee gilgishay dunida ,magac weyna kuyeelatay bulshada calamka dhexdeeda. In kastoo ay qisadeedu isugu jirto murug iyo farxad intaba ,waxey markii danbe qoyskeedu dhaheen farxada manta ayaa kaxoog badan xanuunkii hore ee shalay. Waxey ku dhalatay 12kii july 1997 dii magalada mingora waqooyi galbeed ee dalka Pakistan gobolka kheyber pakhtumkhwa. Waxey u ololeen jirtay arimaha waxbarashada,iyo haweenka ,iyadoo kuboorin jirtay dhalinyarada in ay aadaan iskoolada,fahmaana muhiimada ay leedahay waxbarashada,waxey aheed gabar aad ufiricoon ,oo dhaq dhaqaaseesa,oo 16jira ah,hase ahatee waxa moodaa in ay xiratay kobo ka waaween ,waayo waxa ay dadka kuboorineeso oo ah waxbarashada , qaadashada buuga iyo qalinka,waxaa jira dad kasoo hor jeeda arintaas oo raba in ay in askar ka dhigaan raga,haweenkan ay guryahooda iska joogaan . Hase ahaatee 9 bishii October 2012kii waxa laga togtay madaxa iyo qoorta ,xili ay kasoo labaneesay iskoolka,lakin nasiib wanaag rasaastii laladhacay, kuma aysan dhiman oo wey badbaaday nolosheeda. Kadib markii ay kabadbaaday weerarkii,waxaa ugu danbeyn loo cararay cariga england ,waxana lageeyay isbitalka birmingham hospital,halkas oo lagu dabiibay in mudo ah ,waxeyna kusoo noqotay xaaladeeda mid caadi ah,oo wey soo bogsatay. Intii ay isbitalka ku jirtay,gordon brown oo ah uqeebsanaha UN ka dhanka waxbarashada ,ayaa qoray maqaal xiiso badnaa ,kaas oo uu ciwaan uga dhigay iam malala oo uu ulajeday waxaan ahay malala,waxana maqaalku uu kudalbanaayay Gordon brown uu ahaa sadex qodob oo uqornaa sidatan. 1.waxaan dowlada pakisatan ugu yereynaa in waafaqdo qorshe waxbarsho,oo arday waliba oo Pakistani lagu gaarsiin karo. 2.waxaan dowlada waliba ka codsaneyna in ay mamnuucdo ,kala socida raga iyo dumarka. 3.waxaan ugu yeereynaa heyadaha dowliga ah in ay damaanad qaadan ,in 61 milion ,ay aadaan iskoolada ,dabayaqada 2015ka. Waxaa udilaacay aduunyo cusub ,waxey kuguleesatay abalmarino caalami ah ,waxey dhigatay ricord cusub ,waxeyna baal iftiimaya kagashay tariikhda,iyadoo shashadaha caalamka laga daawanayay qudbdaheeda ,xasaasiga ahaa. Waxey ku guulesatay abaalmarinadaan soo socda ee kala ah. • Abalmarinta International Childrens Peace Prize • Abaalmarinta National Youth Peace Prize oo au siiisay dowlada Pakistan taas ,oo uu gacanta ugaliyay ra,iislu wasaaraha dalka Pakistan mudane Yousuf Raza Gilani • Sitara-e-Shujaat, oo ah abaal marin laga bixyo dalka Pakistan oo lasiiyo dadka geesiyada ah bishii October 2012kii • Waxey qaadatay abaalmarinta Foreign Policy magazine November 2012 • Waxey ku guuleesaty abaalmarinta Time magazine Person of the Year( qofka sanadka) , December 2012 kii • Mother Teresa Memorial Award for Social Justice, oo ah abaal marin qiima badan leh dhanka cadalada oo inta badan lagu abalmariyo taalo iwm November 2012 • Rome Prize for Peace and Humanitarian Action,abaal marinta arimaha aadamiga iyo nabadgalyada December 2012 • Abaal marinta Top Name of 2012 in Annual Survey of Global English, January 2013 • Simone de Beauvoir Prize, January 2013 • Nobel Peace Prize nominee, March 2013 • Doughty Street Advocacy award of Index on Censorship, March 2013 • Fred and Anne Jarvis Award of the UK National Union of Teachers, March 2013 • Vital Voices Global Leadership Awards, Global Trailblazer, April 2013 • One of Times 100 Most Influential People In The World, April 2013 • Premi Internacional Catalunya Award of Catalonia, May 2013[100] • Annual Award for Development of the OPEC Fund for International Development (OFID), June 2013 • International Campaigner of the Year, 2013 Observer Ethical Awards, June 2013 • 2012 Tipperary International Peace Award, Ireland Tipperary Peace Convention, August 2013 • International Children’s Peace Prize, KidsRights, 2013 • Portrait of Yousafzai by Jonathan Yeo displayed at National Portrait Gallery, London • Ambassador of Conscience Award from Amnesty International • 2013 Clinton Global Citizen Awards from Clinton Foundation[ • Harvard Foundation’s Peter Gomes Humanitarian Award from Harvard University[ • 2013 Anna Politkovskaya Award – Reach All Women In War • 2013 Sakharov Prize for Freedom of Thought – Awarded by the European Parliamen Intaas oo abaal marin ah, waxaa usii dheraa qudbad dher oo ay kajeedisay,xarunta qaramida midoobey ee magaalad newyork ,iyadoo kalsooni xoogan isku qabta ayey kubilawaday ,magacii ILAAHEY kaasoo naxariisata ,naxariis guud iyo mid gaar ahaaneed. waxaan kubilaabayaa magacii ILAAHEY, kaasoo naxariisata ,naxariis guud iyo mid gaar ahaaneed,xoghaya guud ee qaramida midobey mr ban ki- moon ,uqeebsanaha dhanka waxbarashada ee qaramada midoobey mr Gordon brown ,dhmaan kasoo qeybgalaaysha ,walaaheyga qaaliga dhamaantiin asalaamu caleykum warxmatulaahi tacaalaa wabarakatuhu,manta waxaa sharaf ii ah dib uhadlo waqti dheer kadib,halkaan in aan kahadlo waxey ii tahay sharaf weyn oo aanan qiyssin Karin,waxaana sharaf ii ah manta in aan xiranahay dareeskii benazir bhutto,magaranayo meesha aan hadalka kabilaabo,balse waxaan umahd celinaa dhamaan cidkasto ii ducesay si aan usoo caafimaado,maqiyasi karo sida la,iitusiyay in la ijecelyahay,waxaan helay hadiyado kala duwan ,oo iiga yimid dunida dacaladeeda ayey tiri yousufzai malala oo qudbad aad u caaqibo badneed kajeedisay xarunta qaramida midoobey . Sidoo kale malala waxey la kulantay ,madaxweyne obama iyo marwada kowad ee dalka mareykanka Michelle Obama iyo gabadhooda Malia. Malala ayaa haatan ah gabar magac weyn kuyeelatay bulshada caalamka dhexdeeda iyadoo dowlada Canada ay muujisay sida ay udooneyso in dhalasho siiso malala. Waxaa qoray cabdirisaaq cabdulaahi kaariye
Posted on: Sat, 19 Oct 2013 16:13:27 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015