Yuu dhibay jacayloo, Kudhaliyay walacoo Dhalan rugay naftiiso, - TopicsExpress



          

Yuu dhibay jacayloo, Kudhaliyay walacoo Dhalan rugay naftiiso, Qalbigiisa wax u dhimay Dhaawiciiso gaaroo Yuu Dheelmay leyl kii Dhu-dhumada kajabiyay, xilli uu dayaxu dhacay Dhaq-dhaqaaqi waayoo, Yuu dhaafshay wakhtiqii La dhutiyay wax badan , hadba dhinac o rugay Yuu dhamac ku shidayoo , dhabayaal cid laa hoo Ku dhalaashay Milicdoo, dhawaaqii kayeeraba Dhugor tiisa gubayoo , dhagta yaa la raacay Kadheereyay raaxada, Yuu U diiyay Dhunigoo Yuu Dhaxan ta joojiyay, Liqi waayay dheftii sida dhidibka tiirkoo , lixaad kiisa dhumiyoo Dhadada iyo roob-kuba , dheehiisi Baas dhigay dusha ogu dhaceenoo, Yuu Ka reebay dhallintii yuu dhamana hays iyo , Dheeshiyo ciyaartii dhakafaar u gaystoo , Gooni joog ka dhigayoo fikir uu la dhuubtiyo , kadhaxsaaray dadkoo idil Ku dharbaaxay mowjado
Posted on: Mon, 07 Oct 2013 12:21:58 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015