astaaamaha lagu garto qofka wax - TopicsExpress



          

astaaamaha lagu garto qofka wax jecel................................ Haddaba astaamaha lagu garto qofka wax jeceli aad ayay u fara badn yihiin, laakiin waxaan qormadeenan ku xuseynaa inta aan is leeyahay way ugu muhimsan yihiin. Ugu horeyn waxaa lagu gartaa in uu hiyi kaco marka lagu soo hadal qaado arrimo ku saabsan qofka dhigiisa ah ee uu jecel yahay, waxaana wajigiisa durba kasoo ifaya dareen farxadeed iyo muusoobid, wuxuuna xilli kasta sii jeclaystaa ka sheekeynta iyo falanqeynta arrimaha ku saabsan qofka uu jecel yahay, wuxuuna mar walba ku dadaalaa ilaa waqti in ka sheekeyntiisa ama ka sheekeynteeda la sii wado si uu ugu raaxaysto hadal heynta Lamaantiisa. Haddii wax xumaan ah laga sheego markiiba wuu xanaaqayaa oo ka damqadaa, wuxuuna bilaabaa amaba isku dayaa in uu difaaco ama uu u ceeb asturo, haddii uu awoodi waayana goobta ayuu isaga tagaa. Waxa kale oo astaamaha lagu garto qofka wax jecel waxa ka mid ah xiiso gaar ah oo uu mar walba u hayo la kulanka qofka uu jecel yahay, laakiin layaabka jacaylka lagu arkay ayaa waxa uu yahay qofkii aad jeclayd ee aad ku haminaysay la kulankiisa ayaa qacda hore marka aad aragto aad ka naxaysaa muuqaalkiisa oo waxaad dareemaysaa Xanfaf kaa asiiba bu`da hoose ee caloosha. Mararka qaar waxaad iloobaysaa qorshe badan oo aad rabtay in aad uga faalooto ama aad kala tashato oo waxaa dhacaysa in aad sheeko caadi ah oo jacaylku kaasoo tufayo aad kula haasawdo oo aadan qorshe muhim ah kala munaaqishoon. Shaqsiga wax jecel waxa uu mar walba tixgelin iyo karaameyn gaar ah siyaa qofka uu jecel yahay mana ogolaanayo in saxar qalad ah ama dhibaato yar soo gaarto, haddii isaga uu dhibaateysan yahay tiisa uma muuqato ee qofka uu jecel yahay mida heysata ayaa u muuqata oo la weynaata tan isaga heysatana umaba jeedo. Qofka wax jeceli wuxuu u dhego nuglaadaa qofka uu jecel yahay, una dabacsanaadaa, deeqsi ayuu u noqdaa, una naxariis falaa mar walba isagoo isku dayaya in uu qanciyo jacaylkiisa. Marka Hadii aad tahay qof uu soo maray jacelylka ama aad qibrad u leedahay, fadlan wax yar nooga faa`iidee.
Posted on: Wed, 25 Sep 2013 14:31:50 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015