madax waynaha Somaliland silaanyo ayaa qadaya dhabadii uu hore - TopicsExpress



          

madax waynaha Somaliland silaanyo ayaa qadaya dhabadii uu hore uqaday wasiirkiisa madaxtooyada xirsi kadib markii uu dhawaan xabsiga dhigay wiil dhalin yaro muwadin ah oo tiriyey tix gabay ah oo ka dhan ah madaxwaynaha. hadaba waxay arinta layaabka ahi tahay iyadoo marnaba anay bananayn cayda shakhsiyadaysan ee madaxda lagula kaco hadana waxaad mooda in ka jawaabida hadalada bulshadu aad uGu badan tahay dawlada hada talada haysa, sikastaba ha ahaate mudo ka hor uun bay ahayd markii xirsi xabsiga dhigay gabadh uu sheegay inay fariin cay ah usoo marisay aalada mobilka uGu danbayn waa kan tuduc kamida meerisyada gabayga wiilka uu silaanyo xidhay Ninka Dawlad Meeraran daadihi la yidhiyow hawshii laguu diray Dusheedaad ku gama’dee. Daa’uus sidaa tahay waad is daawanaysaa. Dadkaa kugu Khasaaree Dacwad baa la Ooggoo maxkamad dagaal baa Deg-deg kuu Filaysee dabadhoonka maqashiyo, Digtoorkaaga Khaaskiyo Ma Xirsaa ku difaaci, Mise waad iskaga degi doqoniina qaadee f.g fadlan hoos nooguso gudbi odhaahdada ku aadan amuurtan adoo aan aflagado iyo xumaan midna muujin iyo waliba fariintada ku aadan madaxwaynaha ama bulshada reer somaliland
Posted on: Sun, 11 Aug 2013 08:44:50 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015