waxa maanta garoonka hargeisa stadium ka dhacday ciyaar aad u - TopicsExpress



          

waxa maanta garoonka hargeisa stadium ka dhacday ciyaar aad u qiimo badan oo algu xusayay alle ha u naxariiste marxuum maxamed cabdi muuse oo aha ciyaar yahan aad u qaaliya oo ka tirsana bahwaynta sportska iyo kooxda cashuur, waxaan munasibad ka soo qayb galay madax aad u saraysa oo iskugu jirta mucaarid iyo muxaafidba, waxan ay ciyaartaasi dhax martay kooxdii uu ka tirsana marxuumku ee cashuur iyo kooxda horyaalka kooxaha heerka koobad ee casimada hargeisa ee haboon, ciyartaas oo ku bilaabantay jawi aad u qiimo badan, iyada oo laba kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar farsamadedu sarayso, lkn gari laba nin kama wada qoslisee, waxay guushu halkas ku racday kooxda haboon oo ku badisay 2 iyo hal,
Posted on: Mon, 04 Nov 2013 20:22:31 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015