August 6, 2013 (QOL) Sida ay warbaahinta Caalamku sheegtay waxaa - TopicsExpress



          

August 6, 2013 (QOL) Sida ay warbaahinta Caalamku sheegtay waxaa jira Nin Muslim ah oo ku nool Jaziiradda Greenland, halkaas oo aysan cidina horay ugu maleeyn jirin in laga helayo qof Muslim ah maadaama Jaziiraddu ay u egtahay mid aanay dad ku nooleyn. Ninkan oo lagu magacaabo Wasaam Al-Zaqir wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa wadanka Lubnaan wuxuuna ku noolyahay Jaziiradan oo hareeraha Barafka ka fadhiyo, Wasaam waa Muslimka kali ah ee Jaziiradan ku nool wuxuuna soomaa Bishan Ramadaanka 21 saacadood sida Shabakadda Warbixintan qortay ay xustay. Greenland waxaa lagu sheegaa Jaziiradda ugu weyn caalamka waxayna ku taalaa inta u dhexeeysa Bad-weynata Atlantic & Badda Waqooyi ee looyaqaano Arctic Ocean, dhulkaasi siyaasad ahaan wuxuu ka mid yahay wadanka Denmark wuxuuse leeyahay maamul u gaar ah. Dadka Jaziiradaas ku nool ninkan Wasaam Al-Zaqir la yidhaahdo oo sanado badan la noolaa waxay ku Magacaabaan Colombos-kii Carabta waxayna u aqoonsanyihiin inuu yahay Ninkii Carab ama Muslim ugu horeeyay ee awood u yeeshay inuu halkaas ku noolaado. Ninkaasi wuxuu hadda maamulaa Mashruuc Caasimadda Nuuk laga wado oo maalintii ku dhawaad 22 qof oo Macaamiil ahi ay ku xidhanyihiin.
Posted on: Tue, 06 Aug 2013 09:20:51 +0000

Trending Topics




© 2015