Bandhig Hidaha iyo Dhaqanka ah oo lagu soo bandhigay Magaalada - TopicsExpress



          

Bandhig Hidaha iyo Dhaqanka ah oo lagu soo bandhigay Magaalada Johanesberg “Sawirro” Bandhigaan hidaha iyo dhaqanka ee ay qabato sanad kasta Jaamaladda University of Johannesburg (UJ) ayaa sanadkaan waxaa kasoo qeyb galay sodon iyo laba Wadan oo ay Soomaaliya ku jirta, iyadoo ay soo qaban qaabiyeen Ardayda wax ka barta Jaamacadaasi, Ururka Help Some, Madaxda Safaaradda Soomaalida, Dhalinayaro isugu jira wiilal iyo gabdho, iyo qaar ka mid ah kuwa ku dhaqan Magaalada Johanseburg,iyo waliba kumanaan dad oo oo isugu jira South African iyo dalalka kale ajaanib ah, Soomaalidii ka qeybgashay Bandhigan ayaa waxa ay soo bandhigeen Cunto Soomaaliya, alaabaha Soomaalida ay hiddo ahaan u leedahay,iyo waliba Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka iyadoo ay ka mid noqdeen Wadamada ugu taageerada badan ee ka qeyb galay madashaasi, Qaar ka mid ah Qabanqaabiyaasha iyo ka qeybgalayaasha ayaa Warbaahinta Qaranka waydisay sida ay u arkaan bandhigaan, ayaa waxay sheegeen in tani ay muujinayso sida Soomaalida South Africa ku dhaqan qeyb ugu tahay Wadamada aan marnaba ka tagin Hidaha iyo Dhaqankooda, Cuntada Soomaalida oo aheyd mid ay aad dadka Ajanabiga ah u jeclaadeen ayaa waxaa feel ugu jiray dad badan waxayna taasi ka qeyb ka ahayd mid Soomaalida farxad galisa, Masraxa lagu soo bandhigayay Wadan Walba ciyaaraha uu hiddo iyo dhaqan ahaan u leeyahay ayaa Soomaalida ku soo bandhigtay ciyaaro si weyn u soo jiitay dadkii farabaha badnaa ee kasoo qeyb galay, Ugu dambeyntii Soomaalida ayaa kaalinta kowaad ka gashay Cunta,sidoo kale waxay kaalinta labaad ka gashay Ciyaaraha,iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ay Soomaalida Koonfur Afrika ka qeyb gasho Bandhig Ciyaareedka ay qabato Jaamacadda UJ waxaana mahadcelin ballaaran u jeediyay Madaxda Jaamacad iyadoo halkaasi lagu gudoonsiiyay Bilado Sharaf,
Posted on: Sat, 21 Sep 2013 09:16:52 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015