HOME WARAR NEWS IN - TopicsExpress



          

HOME WARAR NEWS IN ENGLISH MAQAALO ARTICLES OGEYSIIS/XAYEYSIIS VIDEOS/MUUQAAL Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ma ogolaan doono boobka shirkadaha shidaalka Waxaa todobaadkii la soo dhaafay wakaaladaha wararka caalamka soo gaadhay war cinwaan looga dhigay (Threat of violence ignored as Africa Oil pushes intoEthiopia) oo macnaheedu yahay in Shirkadda Africa Oil iska-indha tirayso digniintii la siiyay shirkadaha oy doonayso inay xoog ku gasho Itobiya. Ugu horeyn waa nasiibdarro in shirkada Africa Oil u badheedho arintaa oy iska indha tirto khatarta ka jirta Ogadenya iyo digniintii ay Jabahdda Wadaniga Xoreynta Ogadenya u gudbisay. Digniinta ONLF macnaheedu ma’ahayn inay diidan tahay jabhaddu horumarinta dalka Ogadenya iyo in looga faai’deeyo, caalamkana ka faai’daysto khayraadka ku jira dalkooda oo aanay awood dhaqaale iyo mid aqooneed u lahayn soo saaridiisa. Hasa ahaatee waxaa ka horeeysa soo saaridda khayraadka uu shidaalka ugu horeeyo in marka hore laga fikiro sidii nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa dalka Ogadenya iyo guud ahaan Itobiya oo xukunka TPLF ee talada dalkaa gacanta ku haya ay ka doorbidaan nabadda iyo wada noolaashaha shucuubta inay boobaan dhulka iyo khayraadka shucuubta ay gumaystaan ama laga tirabadan yahay. Haddii shirkadda Africa Oil ay kula heshiisay Itobiya inay ka gaysato Ogadenya xasuuq la mid ah midkii loo gaystay shucuub badan oo meela kala duwan oo Afrika ah daga oo dambiga ay galeen ee loo xasuuqay ay tahay oo kali ah in dalkooda laga helay shidaal ama macaadin, waa sida arinta ay doonayso Itobiya. Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa shacabka Ogni ee daga Nigeria dhibaatada ay shirkadaha shidaalka u gaysteen. Waxaan ogsoonahay Shirkadaha shidaalka halkaa ka qoda iyo xidhiidhka ka dhexeeya ciidanka Nigeria ee malaayiinta doolar ka qaata shirkadaha say u ilaaliyaan (Akhri). Jabhadda ONLF iyagoo ogsoon taariikhda naxdinta iyo naxariis darada leh ee shirkadaha shidaalka qoda ay kula dhaqmeen shucuubta Afrika, ayay u gudbisay shirkadaha shidaalka in aanay ka galin shacabka Somaliyeed ee Ogadenya dambi dagaal oo aanay Itobiya kula heshiinin xasuuqa shacabkaa reer guuraaga ah ee 20kii sanee ugu dambaysay ay Itobiya ku baabi’naysay dalkooda. Jabhadda ONLF waxay mar 2aad iyo mar 3xaadba uga digaysaa shirkadda Africa Oil inay ka fiirsato talaabadan hadday jirto oo aanay xoog iyo sharcidarro ku galin dalka Ogadenya iyadoo adeegsanaysa cududa ciidanka sida naxariisdarada ah u gumaadaya guud ahaan shacabka Itobiya, gaar ahaan shacabka S.Ogadenya ee xaq u dirirka ah. Ugu dambayntii, shacabka S.Ogadenya wuxuu diyaar u yahay inuu si sahrci ah ku difaaco dalkiisa iyo khayraadka dalkiisa oo aanay marnaba ogolaanin in la boobo dalkooda. Digniintii jabhadda ONLF waa halkeedii (Akhri) ONA. Short URL: ogadennet/?p=26840 Posted by wariye6 on Oct 27 2013. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
Posted on: Sun, 27 Oct 2013 23:30:04 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015