Khubaro u kala dhalatay Saudi, Britain, Masar, Somalia, Tunusia, - TopicsExpress



          

Khubaro u kala dhalatay Saudi, Britain, Masar, Somalia, Tunusia, ayaa waxa ay ku kulmeen Dalka Imaaraadka Carabta iyaga oona sameeyay Daraaso ku saabsan waxyaabaha ay Dumarka Soomaalida kaga duwan yihiin Hablaha Caalamka. Dr. Khalid Bin Salah oo u dhashay Dalka Saudi, ayaa waxa uu sheegay daraaso ay sameeyen ku Ogaaden in Dumarka Soomaalida 60%, ay ka jil-jilacsan yihiin dumarka Caalamka ama ka soo jeeda Dowladaha Caalamka. ‘’Dumarka Soomaalida aad yee uga liitan ama uga Jilacsan yihiin Hablaha Caalamka, markii la eego, Socodka, jirka, hadalka iyo dabciga’’ Ayuu yiri Dr. Khalid Bin Salah, oo intaa ku daray in Dumarka Soomaalida ay kor cagaha uga qaadan dhulka iyaga oo isla wakhtigaasi ku soconaayo fooda hore ee Cirbaha. Dr. Khalid Bin Salah, waxa uu Tilmaamay in Dumarka Soomaalida ay jir ahaan ka jilicsan yihiin Dumarka kale, isagoona sheegay in Jirka Dumarka Soomaalida uu aad isugu dhacaayo, taasoo uu ku sheegay inay tahay heybad u gaar ah Dumarka Soomaalida oo uu alle ugu baneystay. Sidoo kale, John iryek oo u dhashay Dalka Britain, ayaa waxa uu sheegay in kulankooda uu ka soo baxay Natiijo ah, in dumarka Soomaalida ay yihiin kuwa aad u jir qurxan markii la eego, Muuqaalka, Socodka, sii jeedka iyo habka ay u hadlayaan. Mr. John, waxa uu sidoo kale, sheegay in guur ahaan ama dhaqan ahaan ay Dumarka Soomaalida usoo jiitaan Ragga dhankey doonaanba haka soo jeedene, isagoona sheegay in Ragga Soomaalida ay nasiib u heleen Dumar aad u jilicsan. Ugu dambeyntii, Daraasada ayaa waxaa lagu Ogaaday in Dumarka Soomaalida ay aad ugu wanaagsan yihiin dumarka Caalamka taasoo nasiib u ah Ragga Soomaalida.
Posted on: Sun, 14 Jul 2013 00:22:23 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015