Kuwait iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday (Jaamacad Sanaag - TopicsExpress



          

Kuwait iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday (Jaamacad Sanaag laga dhisayo iyo Garoon Caasimadda Puntland ee Garoowe laga dhisayo) Magalaadda Caasimadda Kuwait ee Dalka Kuwait ayaa maanta waxaa heshiis ku kala saxiixday Dawladda Puntland iyo Dawladda Kuwait,kaasoo dhigaya in 2-Mashaariic Hey*adda Kuwait Foundation ka hirgeliso Puntland.Mashruucan ayaa waxaa nasiib u yeeshay Gobolka-Sanaag oo laga hirgelinayo Jaamac loogu magac-daray (Maakhir-Universaty)iyo Garoon Dayuuradeed oo laga hirgelinayo magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.Balanqaadkaas ayaa waxaa horey balan-qaaday Amiirka Kuwait Sheekh Jaabir Axmed Al-Sabaah oo 2010-kii la kulmay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole,inkastoo mashruucyadaas ay is-baaro u dhigteen Madaxweynihii hore Sheekh-Shariif iyo Reysalwasaarihii hore C/weli Gaas,inkastoo dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen Wasirka arimaha Gudaha General C/laahi Axmed Jaamac (ilka-Jiir)(Xafidahulaahi)iyo Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Jaamac (Xafidahu-laahi)ay ku guuleysteen in mashaariicdii ay is-hor-istaageen Sheekh Shariif iyo Gaas inay Dalka Kuwait ka dhaa-dhiciyeen in Puntland in la fasaxo 2-dan Mashruuc.Waxaa xusid mudan in Garoomada Boosaaso iyo Gaalkacyo ay markii hore dhisi-lahaayeen,Dawladda Kuwait,balse waxaa hadda la wareegay mashruucaas Dawladda Talyaaniga,waana midda keentay in 2-dan Mashruuc Sanaag iyo Nugaal in loo wareejiyo.
Posted on: Mon, 07 Oct 2013 18:38:55 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015