MAXAAD KA OGTAHAY 17 ODAY EE SAXEEXAY GOONI ISTAAGII S/Land 1991 - TopicsExpress



          

MAXAAD KA OGTAHAY 17 ODAY EE SAXEEXAY GOONI ISTAAGII S/Land 1991 ee shirkii Burco. HAROWO.COM Sida ay sheegayso warbixintan hoos ku qorani oo ku soo baxday Shabakadda Qaran News. Waxa saxeexay gooni ustaaga Goobolada Woqooyi ee shirkii Burco 1991 kaliya xubno ka tirasan guurtidii SNM oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Dhexe .Waxa weheliyey kaliya Garaad Cabdi Qani oo dhulbahante ah oo isna ka tirsanaa guurtida SNM. In badan aya laga dooday inan go,aanaakaas goosahada aan loo dhanayn ee laga dhawaaqay shirkii Burco ee ku sabsanaa goosahada gobolada woqooyi ka dib burburkii dawladii dhexe ee Somalia. Inkanstoo sida an wararka ku hayno ay joogeen madasha shirku ka dhacayey odayal ka yimid Awdal oo isugu jira cuqaal iyo saladiinba la yaqaan ,hadana kama ay qayb qaadan saxeexa sida ku cad dokumantagan.Sida aan waraka ku hayno saladiinta iyo waxgaradka shirkas ka qaatay waxa ka mid ahaa Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar ,Suldaan Guray Nour ,Suldan suleyman Cali ,Suldaan sheekh Muse Godaad,Suldaan Maxamed Jaamac Samater ,Xaaji Abubakar iyo Xaaji Dahir Aw cilmi iyo Abwaan Xasan sheekh muumin iwm.Ragas oo dhan midna ka mid maaha saxeexayasha go,aanki gooni isutagga shirkii burco ee 1991. Shaki kuma jiro inay Saladiinta iyo cuqaasha reer Awdal shirkaas talooyin ka dhiibteen ku sabsan dhinaca amniga iyo in dadka walaalaha ah la isku soo dhaweeyo ,maamul iyo kala dambayn la sameeyo si amanka loo xasiliyo oo la soo afjaro dagaladii sokeeye iyo burburkii soo gaadhay dadweynaha ku dhaqan gobolada Woqqoyi.Hase yeeshee odayaasha Reer Awdal ma aha saxeexayashii go,aankas gooni isu taaga ee gobolada woqooyi ee loo bixiyey S/Land 1991.Sidaa awgeed hadii la doonayo in go,aankaasi sharci noqdo waxa haboon in shir kale ay isugu yimadan qaybaha bulshada ku dhaqan gobolada woqooyi oo ay dood ka yeeshan go,aankas.Hadii markas ay isku racaan goosaho wa inay wada saxeexaan dhamantood Bari ila Galbeed. Halkan hoose ka akhri Akhristeyaal iyada oo todobaadkani ay ahayd sannad-guuradii laba iyo labaatanaad ee la soo noqoshada Qarannimada Somaliland, waxa aynu maanta xusuusta dib ugu celinaynaa taariikh muhiim ah iyo magaalada Burco 18/May/1991-kii oo ahayd kolkii lagu dhawaaqay madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga aynu hadda hadhsanayno, iyada oo dulucdu tahay inaynu iftiiminno ciddii furaha u ahayd go’aanka maalintan iyada ah loo dabbaal-degayo. Markii Somaliland laga saaray Ciidammadii dawladda Soomaaliya waxa shirar nabadayneed lagu qabtay Gobollada Awdal, Saaxil iyo Hargeysa, iyadoo ugu dambayntii lagu ballamay in Burco lagu qabto shir magaciisu yahay Shirkii Guurtida, Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaas oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Gebagebadii shirkan waxa ka soo baxay lix qodob oo kala ahaa: 1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur 2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka 3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi 4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi 5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi 6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah. Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku, kuwaas oo kala ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye Suldaan Ismaaciil Muuse Suldaan Rashiid Suldaan Cali Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh Saalax Sheekh Daahir Xaaji Xasan Axmed Xirsi Cawl Suldaan Maxamed Jaamac Xasan Cumar Samatar Maxamed Warsame Shiil Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo Suldaan Cali Muuse iyo Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday. Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha. Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa 1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah 2. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo. 3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah. 4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay. Xus: Waxa aannu maqaalkan ka soo xigannay Buugga The Search For Peace oo ay soo wada saareen APD, Interpeace iyo Diiwaanka Dhaxal-reeb Horaad ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale… Lifaaqa warqaddaasna ka eega cadadka dambe haddii Alle idmo. Qarannews This post has been viewed 1723 times.
Posted on: Sat, 19 Oct 2013 21:04:29 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015