Madaxda Midowga Yurub oo ka walaacsan Shirka Soomaaliyeed ee - TopicsExpress



          

Madaxda Midowga Yurub oo ka walaacsan Shirka Soomaaliyeed ee Brussels, una baahatay talooyin lagu najaxin karo Warar lagu kalsoon yahay lagana soo xigtay xafiisyada Diblomaasiyiinta dalalka Reer Yurub ayaa shaaca ka qaaday in hoggaaminta shirka 16ka bisha Sebtembar 2013 ka dhici doona Magaalo Madaxda Dalka Belgium ee Brussels ahna xarunta Midowga Yurub, aan lagu aamini karin madaxda dowladda Federaalka Soomaaliyeed sababaha soo socda awgood: 1) Dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh oo lumisay kalsoonidii ummadda Soomaaliyeed, Dowladgoboleedyada iyo maamullada dalka ka jira. 2) Shaki weyn oo ka soo ifbaxay warbixintii guddiga QM ee dabagalka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea oo muujiyey musuqmaasuq baahsan oo ka dhex jira maamulka dowladda 3) Dowladda oo isku mashquulisay arrimo aan muhimada kowaad lahayn, dayacdayna amni iyo kala dambayn ku soo celinta Dalka taasoo sababtay niyadjab ku yimaada shacbiga Soomaaliyeed iyo Saaxiibbada Soomaaliya ee Beesha Caalamka 4) Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Dowladaha deriska la ah iyo kuwa AMISOM ee Ciidamada nabadilaalinta geeyey oo sii xumaanaya 5) Awoodda Al shabaab oo sii kordheysa taasoo khatar gelinaysa kaalmada bani’aadanimo ee la gaarsiin lahaa ummadda Soomaaliyeed ee tabaalleysan. Intaas waxa dheer, in sida la sheegay maamullada Somaliland, Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Ahlu Sunna Wal Jamaa iyo sidoo kale maamulka dowladgoboleedka Jubbaland oo dhowaan dhammaystirmi doona aanay danaha dadkooda iyo deegaannadooda u daba fadhiisan doonin dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud. Sidaas darteed, ilo wareedyo soo xigtay Diblomaasiyiin reer Yurub ah ayaa tibaaxay in Madaxda reer Yurub ay lagama maarmaan u arkeen inay ballaariyaan wada tashiga ay ka leeyihiin shirka bisha sebtembar ee soo socda. Latashigaasna waxa diiradda lagu saaray Madaxdii hore ee Soomaaliya oo magacyadooda lag xusay lagana yaabo in EU ku Casunto shirka waxay kala yihiin Ragaan hoose : 1. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweyne Hore 2. Mudane Shariif Sheikh Axmed Madaxweyne Hore 3. Mudane Cali Khaliif Galaydh RW Hore 4. Mudane Cali Maxamed Geedi RW Hore 5. Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) RW Hore 6. Mudane Cumar Cabdirashiid C. Sharmaarke RW Hore 7. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo RW Hore 8. Mudane Cabdiweli M. Cali Gaas RW Hore 9. Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen RW Xigeen Hore 10. Mudane Cabduraxmaan Baadiyow Murashax Hore ee Madaxweyne 11. Mudane Yuusuf Garaad Cumar Murashax Hore ee Madaxweyne. Xeel dheerayaasha indhaindheeya siyaasadda Soomaaliya ayaa walaaca Midowga reer Yurub ku tilmaamay mid aan ku ekaan doonin wada tashi lala yeesho madaxdii hore ee Soomaaliyeed balse ay madaxda Midowga Yurub ka arrinsanayaan sidii ay siyaasiyiintaasi Soomaaliyeed uga qaybgelin lahaayeen shirka Brussels.
Posted on: Mon, 29 Jul 2013 22:32:16 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015