Nin iyo naag isqabay ayaa waxay ku heshiiyeen in ay summer-ka - TopicsExpress



          

Nin iyo naag isqabay ayaa waxay ku heshiiyeen in ay summer-ka (xilliga xagaaga) aadaan hoteel badda ku ag yaallay oo ay 20 sano kahor ku aqalgaleen, laakiin naagtii ayaa mashquushay, wayna bixi waysay, ninkii keligiis ayay fasaxday, waxayna tiri “waan kaa daba imaanayaa. Ninkii hoteelkii markuu tegay isagoo shandaddiisii iyo dharkiisii habeysanaayo ayuu si lama filaan ah u arkay computer qolkiisa yaalla oo Internet leh, isla markiiba waxaa ku soo dhacday fikrad ah inuu xaaskiisa warqad emailka ugu diro. Markii uu warqadda qoray ayaa waxaa ka qaldamay xaraf ka mid ah cinwaanka xaaskiisa, waxayna farriintii u dhacday haweeney kale oo ay asaay u saaran tahay, oo markaas ka soo noqotay aaska ninkeeda. ayadoo isleh bal dadka waraaqadaha tacsida kuusoo dirayaan bal aqriso ee uga jawaab ayee Emailka markii ay furtay oo ay farriinta u horeesay akhrisay kursiga ayay ka dhacday, kaddibna way suuxday. Wiilkeeda ayaa u soo galay wuxuu arkay hooyadiis oo dhulka taalla oo aan dhaqdhaqaaq oo dhan lahayn, shaashadii competerka ayuu fiiriyay waxaana uu arkay warqaddii oo u qoran sidan: Macaanto si nabad ah ayaan u tegay, waxaa macquul ah inaad yaabto marka aad aragto warqaddeyda. Ha yaabin waayo computer ayaa meesha loogu diyaariyay dadka. Qof kasta warqad buu u dirsan karaa dadka uu jecel yahay. Waxaa hubaal ah inaad wax kasta diyaarsatay maadaama aad jimcaha soo socda soo bixi rabto, aad ayaan kugu xiisay, aragtidaada ayaan sidoo kale u xiisay. Safarka aad soo baxeyso mid raaxo leh inuu noqdo ayaan rajeynayaa sida safarka aan hadda soo galay oo kale, laakiin alaab badan iyo dhar badan ha soo qaadanin waayo meesha naar waaye, macnaha kuleylka ka jira ayaa xad-dhaaf ah, hana soo daahin macaanto. hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh ADmin_->SHibane
Posted on: Tue, 20 Aug 2013 10:02:45 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015