Soomaaliya Soomaali baa iska leh Amisom Hakawada Baxdo (Qalinkii - TopicsExpress



          

Soomaaliya Soomaali baa iska leh Amisom Hakawada Baxdo (Qalinkii Abdirashiid Dhanaane) Dadka Soomaaliyeed waa dad wada muslim ah 100% wana dad isku diin ,luuqad,dhaqan iyo hayb wada wadaag waa wada xigto ehel iyo qaraabo daris iyo wada noolaanshuhuna waa astaanta u gaarka ah beesha Somaaliyeed. Dalka Soomaaliya waa dal uu alle ku manaystay nimcoolay faraban waxana kabax dhulka barriga ah dhamaan waxa ay quutaan dad iyo duunayaba waxaan a bahada wadanka Soomalia ceegago khayraadyo farabadn oo caydhiin ah oo anaan wali caagad ladarin. Dadka Soomaaliyeed waa dad isu fur furan isuna socdaala mana kala qarsadaan sirta dhaxdooda ah waxana lagu naanaysaa bulshadii faraxaan-ka ahayd waa bulsho iyadu is dhaxgasha lakiin anan dadyoga kale ku dhax milmin waana astaamaha iyo calaamadaha loogu guulaysan waayay in lagaaleyo dad badan oo Soomali ahaa. Dadka Soomaaliyeed min qarni ilaa quruumo here waxa uu caan ku ahaa ood wadaag,ehel wadaag waxaana dhaqanka iyo caadada Soomaaliyeed kamid ah ixtiraam tixgalin ,dhowrista xaga iyo xuquuda uu leeyahay qofka dariska ah ma martida u ah. Waxaa wadanka Soomaalia soo maray taariikhada dhow dowlado dhowr ah waxaana dowlad xoogan oogu danbaysay dowaladii Mohamed Siyaad Barre ee u dbaheedii lashiday kadib dagaal sokeeyo oo lagalay waxa uu wadanku galay qala laaso,kala carar,umula doox,abti gowrac, iyo isir xasuuq kadhax dhashay Bulshada Soomaaliyeed. Dadka Soomalaiyeed waligood kama aysan tagin in ay yihiin Soomaali dhulka soomaliyana uu yahay mid ugaar ah Buslhada waynta Soomaaliyeed waxayna wax kaste ooga hurijireen ilaalinta Dhulkooda waxayna cashar udhigi jireen cadow kaste oo kusoo gardarooda ciidooda hooyo. Taladii cayn wareegtay iyo colaadii sokeeye kadib waxaaa wadanka laga askumay dowlado ku meel gaadh ahaa waxana dowladahaasi caqabad ku noqday maleeshiyaad hubaysan oo ay hor kacayeen qab qab layaal dagaal . Waxaa sidoo kale ku soo biiray saaxada siyaasada urur diimeed waxaana wadanka Soomaliya loo unkay dowlad kumeel gaadh ahayd waxaana Dowlaadaasi madax looga dhigay Abdulahi Yusuf Ahmed waxaana dagaal kala hortagay Maxkamadihii islaamka iyo qab qablayaal dagaal. Tabarta Dowladaaas oo ahayd mid aad curdan ah oo ay ka awood badan yihiin qab qablayaashu aya waxay codsaday dowaladaasi in lagu caawiyo oo lagu badhi-gantaalo dowalada ciidamo shisheeye oo anaan Soomali ahayn misne kujirin dowaldaha dariska ah . Intaas kadib waxaa dhacay dagaal oo waxaa gorada is daray Maxaakiim tii iyo qab qablayaashii waxana laga itaal roonayday qab qab layashii waxaa sidoo kale is qardoofay Maxaakiimtii iyo Dowladii kumeel gaadh ka ahayd aakhirkiina way is farasaareen oo waxaa dhax maray dagaal waxana dowalda ku meel gaadhka ahayd badhi gantaalayay Ciidamada Dowlada Ethiopia. Kadib waxay wadamada Afiricanka ah kuyabooheen ciidamo in ay u soo diryaana Soomalia waxaana loogu wan qalay ciidamdaasi Amisom qorshahaasi waxaa taageray Qaramada Midobay iyo Dowaladaha Ree Galbeedka ah. Howlgalkii Amisom waa uu socdaa waxaan kusoo biray Dowalada Kenya oo iyadu ciidamadeedu si iskaa ah markii hore u galay wadanka Soomaalia iyaga oo sheegay in ay baacsanayaan dagaal yahano katirsan Xarakada Al-shabaab al Mujahidiin. Kadib markii ay ciidanka Kenya ka gudbeen xuduudka Kalaqaybiya Kenya iyo Soomalia mudna ay joogaan gudaha Soomalia ayaa waxaa loo aqoon saday in ay kamid noqdaan Howlgalka Amisom haatana waxay ku joogaa shaatiga Amisom. Dadka Soomaaliyeed khilaafkii dhax dooda ahaa ayaa waxaad moodaa in loo kala raray ciidamada Amisom ee jooga Soomalia Siyaasiyiin,wax garad iyo madaxda Dowalda ayaa waxay hadalo cad cad kasheegaan Ciidanka Kenya ee Amisom . Waxayna oogu yeedhaan ciidan gumaysi!! Ma xuma in ay yihiin ciidan gumaysi oo ay bilaa idan soo galeen wadanka haatan ay joogaan ee maxay kaga duwan yihiin ciidanka Jooga Baydhabo,Baladwayne,Muqdisho iyo Afgooye? Aniga waxaan garan wayay farqiga u dhaxeeya Ciidanka Uganda,Burundi,Siralyoon,Djabuti? Wana mid haatan igu qasabtay in aan maqaal kan kaqoro dhabtii waan wada ognahay dhulka Soomaliyed Soomaali baa iska leh ee ma waxaa soo baxay Soomaali Ugandis,Somaali Burudis,Soomaali Siiraalyoon?. Dhabtii tani waa qayb kamid ah dayicitaanka aan dayacnay wadankeena ee ana ubanaynay in ay soo galaan ciidan shi sheeyee haatana ma muuqato wadadii laga ga bixi lahaa ee aan inaga oo wada socona dhahno Soomaaliya Soomaali baa iska Leh ee AMisom ha kabaxdo!!! Waayo amisom codkayga iyo codkaaga midna kuma joogaan lakiin aynaan dhihin Amisomta Kenya habaxaan oo kali ah. Ciidanka Amisomta Kenya haday codowyihiin ama ay guumaysi yihiin kuwa Uganda matabliiqbaa,kuwa Burundi ma dhakhaatiir gar gaarbaa? Kuwa siraalyooon ma jimacadayada quruumaha kadhaxaysa shaqaalaheeda oo deeq nasoo gaadhsiiyaa? Ilahay amarkiiye aan wada dhahno Soomaliya Soomaalibaa iska leh ee AMisom ha na dhaafto Abdirashiid Abdulahi Ahmed(dhanaane) Emailk dhanaane@hotmail danwaanews
Posted on: Thu, 04 Jul 2013 20:31:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015