TOLBEELAY Dowlada ayaa ku eedaysay Taliyaha AMISOM ee Sector 2 - TopicsExpress



          

TOLBEELAY Dowlada ayaa ku eedaysay Taliyaha AMISOM ee Sector 2 (Brigadier General Anthony Ngere) inuu ku dhaqaaqay tilaabooyin xad gudub ah oo ay kamid yihiin: 1- Xarigii loo geystay kuxigeenka Abaanduulaha ciidamada Dowlada Federaalka Col.Cabaas Gurey. 2- In ciidamada AMISOM hub culus u adeegsadeen maleeshiyooyinka ku sugnaa Kismaayo iyo goobo dad shacab ah degen yihiin Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagu soo jeediyo 4 qodob oo codsi ka yimid dowlada oo ku socda Midowga Afrika oo kala ah: 1- In Kismaayo la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda AMISOM kuwaasi oo si toos ah uga amar qaadanaya taliska AMISOM ee Muqdisho. 2- In Baaritaan lagu sameeyo dagaalkii Kismaayo ka dhacay. 3- In lasii daayo saraakiisha ka tirsan ciidamada dowlada ee AMISOM xirtay. 4- In lasoo magacaabo Saraakiil xafiidka Siyaasada ee AMISOM oo kasoo jeeda muwaadiniin aan u dhalan wadanka ciidamada AMISOM ee Sector 2 (Kenya). Dowlada Federaalka ayaa qoraalkeedan sidoo kale ka muuqdaa inay xasaasiyad ka qabto saraakiisha kasoo jeeda dalka Kenya, walow aysan si toos ah afka ugu dhufan oo qodobka afaraadka ee codsiga dowlada lagu yiri (in lasoo xulo Saraakii AMISOM oo aan u dhalan Wadanka ay kasoo jeedan ciidamada AMISOM ee Sector 2) iyadoo aan si toos ah loo oron dalka Kenya. HADABA MAXY KAGA DUWANYIHII KENYA BURUNDI IYO UGANDA NEW WAR BETWEEN KISMAYO AND MUQDISHO
Posted on: Thu, 04 Jul 2013 19:46:50 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015