Waa Sheekadeeni Taxanaha Ahayd Ee Ayaanle Iyo Bilan Godob Iyo - TopicsExpress



          

Waa Sheekadeeni Taxanaha Ahayd Ee Ayaanle Iyo Bilan Godob Iyo Jacayl Waa Qeybtii 10aad Ayaanle ma aanu eegin dhankiisa dambe ee hore ayuu u dhaqaaqay isagoo saaxiibkiina ka codsaday inuu yara sugo oo uu usoo laaban doono, siciid waa uu dareensanaa in saaxiibkii ayaanle uu diidanaa bidhaanta bilan ee uu waayadan ka soomanaa waana uu ka aqbalay. bilan oo laafyaheedii qurxoonaa hadba gees utuureysa ayaa soo dhexgashay ardaydii natiijo doonka ahayd si ay uga eegato boorka magaceeda iyo natiijadii ay baadi goobkeeda utimid, markii ay indhaha la raacday liiskii magacyadu ku qornaayeen ayay meel hoose ka aragtay magaceedii iyo natiijo aan lagu farxi karin!!! bilan madaxa ayey gacmaha saaratay qarracan awgii, siciid oo markiisii horeba lasocday imaashiyaha bilan ayaa dhankeedii udhaqaaqay markii uu arkay in gabadhu kasoo dhaqaaqi ladahay boorka hortiisa, waxa uuna dul-yimid bilan oo dhulka fadhida dhabanadana gacmaha ku haysata qaar kamid ah ardayda ayaa la yaabanaa oo iyaguna dul taagnaa siciid waa uu ka naxay xaaladda ay bilan ku sugneyd waxa uuna suaalay waxa ku dhacay ee dhulka fadhiisiyey? bilan jawaab deg-deg ah waa ay soo celin weyday waxayna umuuqatay qof hadalku dhibayo, siciid ayaa ugu baaqay marka hore inay fadhiga ka istaagto kadibna si deggan ay wajahi doonaan ama uu gacan ka geysan doono dhibka jira, bilan si xushmadi ku jirto ayey u aqbashay hadalkii siciid,ardaydii ayaa laga dhex baxay oo waxaa lafadhiistay meel gooni ah si loo falanqeeyo xaaladda bilan. bilan oo ay hareeyeen yax-yax iyo xishood ayaa ugu jawaabtay siciid:- walaal anigoo aad ufaraxsan ayaan subaxnimadan kasoo dhaqaaqay hoygii aan ku noolaa balse waxaa farxaddaa si lama filaan ah iigu badalay murugo aan qorshahaba iigu jirin kadib markii aan liiskii ardayda ka arkay inaan imtixaankaankii ku guul-darreystay sanadkan, taasoo igu noqotay arrin naxdin igu beertay waxaana ku sigtay in naftuba iga dhacdo waayo sida aan mar walba xoogga usaaro kaalinteyda waxbarasho iyo natiijada iisoo baxday oo noqotay kaaf iyo kala dheeri!!! siciid waxa uu bilan usoo jeediyey hadallo isugu jira hoga tusaaleyn iyo samirsiin intaba taasoo dood dheer kadib ay bilan ku yara degtay. bilan waxay suaashay siciid dhankiisa natiijada uu ka gaaray imtixaanka? jawaabta suaashaa aad ayey ugu cuslaatay siciid, waana uu ka xishooday inuu sheego guusha uu ka gaaray imtixaanka si ayan cuqdad iyo niyad-jab intaba ugu beermin gabadha waxa uuna ku yiri bilaneey wali ma aanan soo eegin natiijadii xaaladdaada ayaan si kedis ah ula kulmay, balse dib ayaan ka ogaan doonnaa ee marka hore waa inaan maanta hoygaagii kuusii dhaweeyaa waayo xaaladdan kuguma deyn karo! bilan waxay siciid uga mahad helisay sida walaaltinimada leh ee uu ula damqaday waxayna ku qancisay in sidii hore ay xaaladdeedu ka wanaagsantahay ayna kaligeed bixi karto. illaa iyo halka laga raaco baska taga xaafadda bilan ay ku nooshahay ayuu siciid usii dhaweeyey kuna hubsaday baskii. bilan oo madaxu xanuunayo ayaa dib ugu laabatay hoygii ay farxadda kalasoo jarmaadday inkastoo ay yara degtay hadana waxaa madaxeeda ka guuxayey uur-kutaalladii.. La Soco Qaybta 11aad insha alaah
Posted on: Sun, 20 Oct 2013 11:35:31 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015