Deg Deg: إنا لله و إنا إليه راجعون ولا - TopicsExpress



          

Deg Deg: إنا لله و إنا إليه راجعون ولا حول ولا قوة إلا بالله العلي العظيم والعاقبة للمتقين, Golaha Baraarugga Islaamku Wuxuu Xaqiijinayaa Shahaadada Walaalaheen Al-Shahiid Sheekh Abuubakar Al-Zaylici Iyo Al-Shahiid Macalin Burhaan!. Jun 27, 2013 - 1 Comment الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه، إنا لله و إنا إليه راجعون ولا حول ولا قوة إلا بالله العلي العظيم والعاقبة للمتقين أما بعـد وقال تعالى وَبَشِّرْ الصَّابِرِينَ * الَّذِينَ إِذَا أَصَابَتْهُمْ مُصِيبَةٌ قَالُوا إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ * أُوْلَئِكَ عَلَيْهِمْ صَلَوَاتٌ مِنْ رَبِّهِمْ وَرَحْمَةٌ وَأُوْلَئِكَ هُمْ الْمُهْتَدُونَ BARAAWE:- Ilaahay ayaa Mahad iska leh Nabadgalyo iyo Naxariis Nabi Maxamed CS, korkiisa ha ahaato. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajacuun, Xasbunallah Wanicmal Wakiil. Waxaan Idiin xaqiijinaynaa in ay Shahiideen Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaannay Sheekh Abuubakar Al-Zaylici iyo Sheekh Cabdixamiid Xaashi Colhaye loona yaqaanay Sheekh Macalin Burhaan, Raxmatullaahi Caleyhim!. Yaa Xaqiijiyey Shahaadada Culimada?. Galabnimadii Shalay oo Arbaca ahayd, June 26,2013 ayaa Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Shabeelada Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdallah Xiiraay iyo Masuuliyiin kale ay kulamo la qaateen Xaasaskii Labada Sheekh oo kiiba uu katagay 3 Xaas iyo dhowr iyo Toman Caruur ah. Waxayna Gabdhaha Muslimaadkaa u sheegeen in ay Asayda qaadaan waxayna u xaqiijiyeen in ay dileen Culimada. Sidoo kale waxay la kulmeen Hooyadii dhashay Sheekh Shahiid C/xamiid Xaashi Colhaye oo Sheekh Macalin Burhaan loo yaqaanay, waxayna u sheegeen Wiilkeeda in ay dileen iskana samirto, waxaa sidoo kale Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Shabeelada Hoose iyo Masuuliyiin kale ay kulan la qaateen Culimada Rabaaniyiintaa oo ay u sheegeen in ay dileen Culimada. Yaa Dilay?. Walaalahaas Culimada ahaa ee aan Magacyadooda Idiin soo gudbinnay Shahaadadoodana aan Idiin xaqiijinayno waxaa dilay Amiirka Xarakada Al shabaab Almujaahidiin iyo Masuuliyiin kale waxay u dileen Ayagaa looga fadhiyaa iyo qaabkii uu u dhacay howlgalkii Magaalada Baraawe!. Baaritaankii Golaha Baraarugga Islaamka!. Waxaan Illaa Maalintii Arbacada ahayd Taariikhduna ku beegnayn Bisha June, 19, 2013 baaritaan kuwadnay howlgal Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ay ka sameeyeen Magaalada Baraawe, marar badan oo aan xiriir la samaynay waxay noosheegeen xattaa cid howlgalka kudhaawacantay in aysan jirin Walaalihii howlgalka lagu qabtayna Xabsiga la geeyey. Beenta Ay Sheegeen Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab. Golaha Baraarugga Islaamka Walaalo kamida ayaa xiriir la sameeyey Warbaahinta Xarakada Al shabaab Almujaahidiin, Culimo, Ducaad iyo Dadweynaha Magaalada Baraawe waxayna dhammaan sheegeen Warkii Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab ay u sheegeen oo ahaa in Xabsiga la geeyey Culimada ay xaqiijiyeen in ay dileen. Sidoo kale intii aan baaritaanka wadnay waxaan xiriir la samaynay Culimada Maktabada Daarul Xadiith waxayna noosheegeen in Culimada la dilay Xabsiga lagu hayo oo sidaas waxaa u sheegay Masuuliyiin kamida Xarakada Al shabaab Almujaahidiin, mana jirto faah faahin ay ka bixiyeen sababta Beenta Culimada iyo Muslimiinta loogu sheegay iyo qaabkii loo dilay Culimada ama howlgalkii Baraawe uu u dhacay!. Canbaarayn Dilka Culimada Iyo Cadayn Xarakada Al shabaab Hogaamiyaasheeda Laga Sugayo. Waxaan Ba’ri kannahay Dilka Walaalaha Culimadaa ee Mujaahidiinta ahaa loo gaystay, waxaana canbaaraynaynaa dilkoos oo aan u Aragno dulmi. Waxaan Culimada, Ducaadda, Hogaamiyaasha Xaraka Al shabaab oo uu ugu horeeyo Amiirka Xarakada Al shabaab Almujaahidiin ka doonaynaa in ay noo caddeeyaan sababta ay u dileen Culimada Mujaahidiintaa kuna banaysteen dhiigooda?. Tacsi Qaraabada Iyo Xaasaaska Shuhaddada!. Waxaan u tacsiyadaynaynaa Waaridiinta dhashay Culimada Shahiidday, Xaasaskooda iyo Carruurtooda, Ilaahay Samir iyo iimaan ha Idin ka siiyo!. Ma Cawaan Aan Diintooda Iyo Xaqqa Ayaga Oo Garanaya Dulmi Iyo Gardaro Taageera oo Xaqqa Garab Mara Ayaan Noqonnaa?. قال الكسائي: السفيه الذي يعرف الحق، وينحرف عنه عنادا وقرأ :{أنؤمن كما آمن السفهاء ألا إنهم هم السفهاء } [البقرة: 13] قال: يقول: الذين عرفوا الأمر وعندوا عنه. Sheekh Imaamu Kasaa’i ayaa yiri, Doqonku ama Safiiha Ilaahay quraanka ku sheegay waa kan Xaqqa garanaya laakiin ka leexanaya Dariiqa Xaqqa, markaas ayuu Akhriyey Aayaddii Munaafaqiinta ka hadlaysay ee ay yiraahdeen markii lagu yiri war Nabiga CS rumeeya, , “Ma Waxaan U Rumaynaa Xaqqa Sida Doqomada?”, sidaas markii ay dheheen ayaa Ilaahay yiri, “Laftigooda ayaa Doqomo Ah Ee Isma Oga!”. Culimo iyo Ducaad badan oo Soomaaliyeed kana mida Xarakada Al-Ictisaam ayaan ku nacnay baadilka iyo gaalo raacnimada ay kudabagaleen Culimadooda iyo Ducaaddooda, waxaa maantay dhacay waa qornaayeen laakiin waan ka dignay, markii aan Risaaladii Sheekh Shahiid Abuubakar Al-Saylici Akhrinnay ayaan ogaannay in wax khaldan yihiin, Qoraal ayaan ka qornay aan Muslimiinta ugu sheegnay Culimo iyo Ducaad badan in Amiirka Xarakada Al shabaab u dhaartay in uu dilayo Walaalaha la dilay. Bishii April 5,2013 ayaan ka qornay Maqaal aan Talooyin ku siinnay Ciidanka Wilaayaadka Islaamigaa ee Soomaaliya laakiin nasiib darro Maantay gacanta ugu jira dhowr hogaamiye oo Mujaahidiintii kadhigay mid ay dilaan iyo mid ka baxsada Wilaayaadka Islaamigaa, markii aad tiraahdo war yaa Jihaadaya?, Yaa Shareecada Islaamka lagu xukumayaa?, waxaa laguugu jawaabayaa Camalka Jihaadku kuuma baahna, Jihaadkaan cidna uma istaagayo!. Qof kasta waa jeclaan lahaa in uu Gurigiisa iska fariisto oo Diinta Islaamkuna guulaysato oo Shareecada la hirgaliyo, laakiin waxaa cad in aan Jihaad la’aan Muslimiintu aysan hirgalin karin Shareecada Islaamka, Jihaadna wuxuu ku socdaa, waa Dad, Dhaqaalo Dadka Jihaadku uu aad ka ugu baahan yahay waa Culimada iyo Ducaadda haddii Ayaga qaarna la dilo qaarna la baacsado soo gaaladu siday rabtay ma’ahan?. Taladii Culimada Ma Ku Guulaysannay Mase Waan Ku Guuldaraysannay?. Walaalaha Maktabada Daarul Xadiith, Culimo iyo Ducaad badan ayaa nagula taliyey in aan u dayno Arimaha Mujaahidiinta Soomaaliya Culimada Rabaaniyiintaa iyo Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab Almujaahidiin aad iyo aad ayaan oga xumayn in Culimadu Gacmaha naqabo, laakiin qaddar Ilaahay iyo wax qoran ayey ahayd. Risaaladii Sheekh Shahiid Abuubakar Saylici waan joojinnay in aan turjumaad u samayno, sidoo kale waxaan diidnay in aan daabacno Risaalooyin ay soo saareen Walaalaha ka cabanaya Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Soomaaliya, waxaan u sheegnay Walaalaha Warbaahinta Islaamigaa in ay faraha ka qaadaan khilaafka Mujaahidiinta oo ay u daayaan Culimada. Culimadii, Ducaaddii Iyo Boqolaalkii Qof Ee Dhibsaday Naseexadeenna Dib Ha U Akhriyeen Qormadeennii!. Waxaan ka codsanaynaa Culimadii, Ducaaddii iyo Akhristayaashii nala yaabay markii aan la qiiroonnay Walaalkeen Shahiid Sheekh Abuubakar Al-Saylici in ay dib u Akhriyaan, Talooyinkii Tolnimada ahaa ee aan siinnay Ciidamada u farabaxsanayey in ay dileen Culimada Mujaahidiinta!. Qormadii April 5/2013Halkaan Riix Ama Guji, Saddex Go’aan Mid Ayaan Qaadan Doonnaa Insha Allah!. 1- In Xarakada Al shabaab ay Bayaan soo saaraan ay ku qeexayaan sababta ay ku banaysteen dhiigga Culimada Mujaahidiinta kadibna waa in aan ku qanacno Bayaankaas waxay ku qoraan. 2- In aan sidii Sheekh Dr Cumar Iimaan aan Afka xirano. FG: Ma dhici doonto Xarakada Al shabaab Almujaahidiin oo 17 Dowladooda oo gaalaa, Murtadiin iyo Culimaa’usuu dagaal ay kula jiraan in aan Annaguna dhankeena ka dacaayadayno, waxaan oga tagaynaa Xarakada Al shabaab, A- Culimada Rabaaniyiintaa in ay saxaan wixii khalad ah, B- Taariikhda oo qori doonta Miraha ay katagaan Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab Almujaahidiin. “Bal Taariikhdu Waxay Suubisiyo Saadambe Aan Dhowrno!” ونسأل الله العلي القدير أن ينصر أهل الحق في كل مكان وأن يحفظهم من الزيغ والانحراف وأن يقيهم من شرور أنفسهم وسيئات أعمالهم وأن يكبت عدوهم و يمكن لهم في الأرض. { {وَاللَّهُ غَالِبٌ عَلَى أَمْرِهِ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ}.} اللهم أرنا الحق حقا وارزقنا اتباعه وأرنا الباطل باطلا وارزقنا اجتنابه ولا تجعله ملتبسا علينا فنضل واجعلنا للمتقين إماما “ Golaha Baraarugga Islaamka Somalimidnimo « PREVIOUS DHAGAYSO: Afhayeenkii Ximan Iyo Xeeb Oo Luuqaddii Badalay Iyo Afhayeenka Xassan Gurguurte Eng Yariisow Oo Leh Wadahadal Baan Diyaar U Nahay Haddana Saxaafadda Waxba Kama Siidaynayno! (Warbixin Wadaaddo Al-Ictisaama Oo Cadaado Gaaray). One Response jundullah~52 June 27, 2013 at 6:45 am qabarkaan waan maqlay in howlgal ka dhacay baraawe rag sar sare ku dhinteen, gob islaaaam wixi dhaca si qalad ah yaaan loo faafin dadka akhristayaashana haniyad jabinina ilaaahay ha unariisto culimada dhimatay naf ilaahay uqadaray iney tagto cidi ma celin karto ajashooda intaaney ku ekeed, ragaanna waxaa khilaafkooda masuul ka ah ninka udhuuntay ximan iyo xeeeb wixi dhacay iyo wixi dhici doonaba lugoo kuleeyahay wallahu aclam. REPLY Leave a Reply Name (Required) Mail (will not be published) (Required) Website MAQAALLADA IYO DARAASAADKA ads not by this site ads not by this site Daawo Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar Shalay Iyo Maantay! Dhagayso Khutbadii Jamcaha Sh. C/raxmaan Sheekh Cumar Oo Dowladda Maraykanka Ugu Baaqay Dhalinyarada Ducaadda Ah In La Xirxiro Gabdhaha Muslimaatkaana Yiri Qaanuunka Maraykanka Ayey Jabiyeen! Daawo Qoyska Nimco Yuusuf Ya Daawaday Oo Aan Ooyin! Waxaa iga oohiseeyey horjoogayaasha Al-ictisaam
Posted on: Thu, 27 Jun 2013 12:05:46 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015