HA YASIN QOFNA WALIGAA: wuxu ahaa 20 jir aan heysan meel uu - TopicsExpress



          

HA YASIN QOFNA WALIGAA: wuxu ahaa 20 jir aan heysan meel uu maciin bido isagoo dhameystay wax barashadii dugsiga sare ayay dhacday dowladii dhexe ee somalia kadibna wuxuu raadiyay meel uu nolosha la ciirsado dani waxay biday in uu isgoyska bakaaraha ku iibiyo bur saliid basbaas wata bataati maraq basbaas lagu daarto iyo sanbuus khadarta eebe qofba siba aloo irsaqaaye wuxuu helay habro jamasho u saaxiiba gabdho dhanaanka jecel iyo wiilal u soo shukaansi doonta baafka yar ee uu sanbuuska iyo mash-mashka ku iibiyo ha yeeshee waa nin caqli badan ee khamiirka ayuu ugu roonaadaa badeecooyinka uu keeno qofkii 3 bura cuna maanta oo dhan fuustadda ayuu saaxib la noqonayaa sababtoo ah wixii khamiir ahaa ayaa ku fakaday saxiibkaa wuxuu ka helay waxoogaa lacag ah oo uu ku maareeyo noloshiisa wuxuuse ahaa nin dadaal badan ee wuxuu bilaabay barashadda luqadaha sida englishka iyo italia dadaal dheer kadib wuxuu helay fahan cajiib ah oo dhanka luqadaha ah waxaase yaab leh waa qof bur iyo sanbuus dubee schoolka markuu soo galo wuxuu isu badalaa foornadii burka iyo khamiirka ileen waa nin duruufeysan oo ma awoodo inuu isi soo carfiyee qaarbaa ardadya u dulqaata waxa kasoo carfoowhaaya sxbkeen qaarna malina waa gooyan maalina waa yimaadaan si ay malain uun uga nastaan qamiirka qolka schoolka harqiyay maxaase dhacay ?? la soco qeybaha danbe mahadsandiin by: AMB
Posted on: Sun, 20 Oct 2013 17:47:02 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015