Haweenay dheer oo laf leh ayaa waxa ay guursatey nin aad u gaaban - TopicsExpress



          

Haweenay dheer oo laf leh ayaa waxa ay guursatey nin aad u gaaban oo jimidh yar kadib afar wiil bay u dhashey habeen habeenada ka mid ah ayaa guriga dhexdiisa ay ka dareemeen kulayl aad u daran, dabadeed ardaaga guriga ayey darin dhigteen iyagga oo halkaas hurda ayuu roob yimmid kadib inta ay haweeneydii toostey ayey saddex caruurtii ka mid ah qaadey oo guriga dhexdiisa geysay dabadeed inta ay dhawaaqdey ayey tidhi "Waar hebelow hurdada ka toos oo ilmaha ku garab hurdana roobka ka soo qaad" kadib ninkii inta uu guriga dhexdiisa ka hadley ayuu yidhi "Xaajiyo qofkii ugu horreeyey ee aad roobka ka xerayso Aniga ayuu ahaa ee caruurta roobka ka soo wadda xeree".
Posted on: Tue, 25 Jun 2013 14:13:09 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015