Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda - TopicsExpress



          

Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin. Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis, albaabka ayey soo garaaceen, ninkii iyo xaaskiisa wey is fiiriyeen wuxuuna doonayay inuu albaabka ka furo waalidkiis balse maadaama uu balan galay ma uusan ka furin irida, xoogaa kadibna waalidkiis waa iska laabteen Isla maalinkaas wax yar kadid waxaa yimid gabadha waalidkeed albaabka ayey soo garaaceen, gabadhii iyo ninkii way is fiiriyeen, inkastoo ay balan gashay hadana way is celin waysay ilin ayaa indhaheeda ka timid kadibna way istaagtay albaabkii ayey ka furtay waalidkeed. Ninkii waxba ma uusan dhihin, sanado kadib waxay isu dhaleen 4 wiil, cunuga shanaad wuxuu ahaa gabar markaas dhalatay. Aabihii qoyska wuxuu sameeyay xaflad aad u weyn oo dad badan uu ku casuumay isagoo u dabaal dagaya gabadha u dhalatay. Xafladii markii ay dhamaatay oo dadkii kala tageen, habeenkii ayaa xaaskiisa weydiisay sababta uu sidaan dhan ugu dabaal dagay gabadha yar isagoo aan si sidaas lamid ah hore ugu dabaal dagin afartiisa wiil. Ninkii isagoo dhoola cadeynaya ayaa wuxuu yiri: “Maxaa yeelay iyadu waa qofka albaabka iga furi doona.”
Posted on: Thu, 07 Nov 2013 02:28:42 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015