Madaxweynaha Puntland D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud - TopicsExpress



          

Madaxweynaha Puntland D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa ku guulaystay in magaca Puntland gaarsiiyo meel fog oo aan horay looga aqoon Puntland,arrintaasi oo ku kasbaday Siyaasadiisa furfurayd ee kula macaamilayay Beesha Caalamka. Reer Puntland ayaa door muuqda ka cayaaray hirgalinta dowlada Federaalka Soomaaliya,ka dib markii shirar lagu heshiisiinayay dadweynaha Soomaaliyeed lagu qabtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo. In kasta oo abaal iyo mahad-celin aysan Puntland ka helin doorkii ay ka qaadatay hirgalinta dowlada Federaalka Soomaaliya oo waqti iyo dhaqaale ay ku bixisay,hadana Puntland wali waxay u taagan tahay dib u helida Qaran Soomaaliyeed iyo hirgalinta Nidaamka Federaalka oo ay ku heshiiyeen dadweynaha Soomaaliyeed Dhexgal-Xusuusin, Xukuumadii ALLA ha u anxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed 1998 – 2004,Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi 2005- Jan 2009,Xukuumada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole 2009 ___?. Waxbarashada Iyo Caafimaadka Hormar wannaagsan oo waxbarasho kama jirin Puntland 15-sano ka hor,hasa yeeshee dadaal dheer oo ay sameeyeen dadweynaha ayaa keenay in Puntland ay yeelato goobo Waxbarasho oo ka koobaan,Dugsiyo hoose,dhexe iyo sare,Machadyo iyo Jaamacado. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa keenay Siyaasad cad oo uu ku hormariyay waxbarashada,waayo waxa la mideeyay Manaahijta Waxbarsho ee Dugiyada dhexe iyo Sare ee Puntland,waxaa deeqo Waxbarasho loo diray Arday reer Puntland.
Posted on: Wed, 31 Jul 2013 23:52:52 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015