Ninbaa wuxu yidhi, 'Waligay inan layma diidin, Geelna laygama - TopicsExpress



          

Ninbaa wuxu yidhi, 'Waligay inan layma diidin, Geelna laygama dareersan, Garna laygama helin' Wuxu yidhi, ' Waa midee: intaan inanta u fadhiisan ayaan u sheegi jiray inaan doonayo haday diidana waan iskaga tegi jiray. Waa mida 2aad ee: reer markaan martiyana waxaan weydiin jiray inuu geelu caano leeyahay hadaanu lahayna waan iskaga tegi jiray. Waa mida 3aad ee: garteyda intaanan geedka tegin ayaan sii akhrisan jiray oo marna muduc(plaintiff) noqon jiray marna madaacaley(defendant).'
Posted on: Sat, 13 Jul 2013 07:40:17 +0000

Trending Topics



Here’s what’s coming up on today’s (Wednesday, June 18,

Recently Viewed Topics




© 2015