Q.4AAD XAAJIGAAGA MAAHEE WAA MAXAY LACAGTA INSIGA EE AAD DHUUNTA - TopicsExpress



          

Q.4AAD XAAJIGAAGA MAAHEE WAA MAXAY LACAGTA INSIGA EE AAD DHUUNTA NAGASOO GELINAYSAAMIYAANAD LACAG JIN HAYNIN. Gabadhu waxaa ay la yaabban tahay bayloodka beentiisa, maxaa yeelay lacagaha insigu siiba doollarka maraykanka waxaa lagu kala sarriftaa suuqyaga iyo bangiyada ugu waayeyn magaalamadaxda jinka ee Yiroowe iyo somland,amerika. NNN:25.10.2013:Xaajigii waxaa uu jeebka ka soo saaray boqol doollar, waxaana mar kale la hadlay bayloodkii oo ku yiri: ”Sallacalee! Lacag jin ma haysid miyaa? Waa maxay lacagta insiga oo aad dhuunta naga soo gelinaysaa?”. Bayloodku hadalkii ayuu sii watay, waxaa uuna yiri: “Ma maanta ayaa kuugu horraysa in aad raacdid diyaarad ay shirkad jin ahi leedahay?“. Intii uusan xaajigii jawaabin buu bayloodkii waxaa uu yiri: “Haddii ay markii kuugu horraysey tahay waa lacag la’aan, ee aan kuu sarrifo lacagta insiga, waayo haddii aad magaalada jinka la gashid waa koontrabbaan oo waa lagugu xiri doonaa“. Gabadhu waxaa ay la yaabban tahay bayloodka beentiisa, maxaa yeelay lacagaha insigu siiba doollarka maraykanka waxaa lagu kala sarriftaa suuqyaga iyo bangiyada ugu waayeyn magaalamadaxda jinka Soomaaliya. Xaajigii waxaa uu jeebka ka soo saaray kun doollar, waxaana ka qabtay bayloodkii oo yiri: ”Ma intaas ayaad magaalo jin oo ay hoteelladeedu qaali yihiin ugu soo safartay?”, waxaana iscelin weydey gabadhii oo tiri: “Xaajigu aniga ayuu ii casuman yahay, aniga ayaana u sarrifi doona lacagtiisa ee u soo celi!“, waxaa ayna xaajiga ka qandhuufatay bawdada si uu u dareemo in uu bayloodku rabo in uu lacagta qiimo kaga sarrifto. “War dhammaaday weeye“ ayuu bayloodkii ku jabaabey, waxaa uuna asaga oo lacagtii soo taagaya yiri: “Laakiin ninku haddii uu adiga kuu casuman yahay waa in la bixiyaa lacagtii diyaaradda, waayo qofkii jinka casumaad ka hela waxaa kharashkiisa qaba jinka“. Gabadhii waxaa ay boorsadeeda ka soo bixisay sumuli lacag jin ah. Waa markii ugu horraysey oo uu xaajigu arkay lacag jin, waxaana lacagtii khaanadda ku ridey bayloodkii oo aan baaqi soo celin ee yiri: “Xaajiga haddii aad hoteel ku casumaysid aniga ayaa hotel fiican haya ee i raaca, laakiin haddii aad guri geynaysid waa aad fasaxan tihiin“. Gabadhii waxaa ay tiri: “Dhegayso saaxiib! Adigu ma shirkad diyaaradeed baad u shaqaysaa mase shirkad hoteello leh?“. Hadalkii intaas ugama ay harin ee waxaa ay tiri: “Maxaa xaajiga martida ii ah iyo aniga noo kaa afduubay; sow xor ma aannu ahin?“. Bayloodkii hadalkiisii xoogaa buu ka shallaayey, laakiin qosol been ah buu ku qarsaday murugadii iyo naxdintii, waxaana uu hadal lagu mashquulo ka dhigtay “Alla xaajigu nasiib badanaa! Haddii aysan fardihii ganaaxu jireen ma uu heleen fursaddaan qaaliga ah oo ay gabadhu gurigeeda ku casumi doonto“. Diyaaradaha jinku waxaa ay ku socdaan xawli la mid ah midka ay sharqantu ku socoto, oo sidaas darteed waxaa ay cagodhigatay xaajigii oo aan dareemin in markii ay kacday laga soo wareegey xilli safar. Waxaa diyaaradda shirkeeda fadhiya bayloodkii oo funaanaddhaxameeddii iska siibey oo feeroqaawan. Waxaa uu qabaa dabogaab keli ah, waxaa uuna sii eegayaa xaaji ku xarragoonaya bakoorad gaduudan iyo koofiyad cad, oo ay garabka haysato gabar jin ah oo boorso baroon ah laalaadsanaysa. “Dhegaysta! Waa xaajiga iyo saaxiibtiis!“ ayuu asaga oo qaylinaya ka daba yiri, waxaana isku mar soo wada eegay labadii qof oo degdegsanaa, waxaa uuna markii ay soo fiiriyeen xaggooda u soo tuuray tusbaxii madoobaa oo markii uu fardaha ganaaxa ka baqayey uu ducada ku akhriyey, waxaana uu yiri: “Tusbaxaas ku wardiya markii aad xaafadda isla tagtaan, oo igu soo xasuusta“. Xaajigu waxaa uu ku sigtay in uu tusbaxa dhulka ka qaato, laakiin waxaa uga hormartay gabadhii, oo inta ay bayloodka xaggiisa tusbaxii xoog ugu soo tuurtay tiri: “War belaayo ku xasuusatay ee ammaan na sii!“. Bayloodkii waxaa uu jeclaa in uu kaftan iyo cayaar sii wado, laakiin mar danbe xaajiga iyo saaxiibtiis ma ay soo eegin. Tusbaxii diyaaradda hoosteeda ayuu ku dhacay, labadii ruux oo isu martida ahaana garoonkii diyaarada waa ay ka baxeen. Dhul doog ah bay labadoodii oo garabka isku dheggani sii xulayaan, waxaana toos loogu jeeda cimaamadda cad oo xaajiga garabka u saaran iyo dabogaabka cad oo gabadha. Korkooda waxaa hoganaya daruuro madmadow, oo ay hoostooda duulduulayaan shinbiro badani. Qorraxdii sii dhacaysey waxaa ay ku qarsoontay buur weyn oo magaalada jinka duleedkeeda ku taal, labadoodiina waxaa ay ku yaryaraadeen dabaqyo jin oo muraayado ah iyo geedo waaweyn dhexdood. Dhammaad...................dhammaad. Mohamed Xaaji Essa (Maygaag) NNN:National News Network:Netherlan
Posted on: Fri, 25 Oct 2013 18:15:13 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015