QISO CAJIIB AH :- Doctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag - TopicsExpress



          

QISO CAJIIB AH :- Doctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag dag ah, waayo waxaa loogu wacay in uu qalniin sameeyo, wuuna aqbalay codsigii. Si dhaqso ah ayuu dharki iskaga badalay, waxuuna dhaqso ku aaday qolka qalniinka. Albaabka hore ee qolka qalniinka waxuu kula kulmay wiilka qalniinka lagu sameyn doono aabahiis oo sugayey dhaqtarka wiilkisa qalniinka ku sameyn doono. Odaygi wiilka dhalay markuu arkay dhaqtarkiba qeyli ayuu afka furtay, waxuuna lahaa, "Maxaa xiligaan usocotaa??, Soo ma ogid in wiilkeyga noolashiisa ay qatar ku jirto?. Doctorki in uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri. "Iga raali noqo, aniga isbitaalka ma joogin, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku imid markii la isoo wacay oo la ii sheegay in aan wiilyar qalniin ku sameyn doono. Waxaan rajeynayaa in aad is dajiso si aan shaqadeyda aan u sameeyo. Odaygi aad buu usii xanaaqay, waxuu yiri. "Maxaa tiri, is daji aa? Kawaran hadii wiilka la qalaayo uu ahaan lahaa wiilkaga, miyaad is dajin lahayd??? Waxaa kaloo iga jawaabtaa, hadii wiilkaga hada dhinto maxaa sameyn lahayd???. Doctorki hadana asagoo dhoola cadeynayo ayuu ku yiri, "Caro ayaa nalaga abuuray, carana waa nalagu duugayaa" Cizi iyo sharaf ILAAH ayey u sugnaatay. Dhaqar, noolasha ma sii dheereyn karo. Kac oo wiilkaga lahadal intaan qalniinka sameynin, insha Allah, inta awoodanada ayaan sameyneynaa. Qalniinki saacado badan ayuu qaatay, daqtarkiina aad bey ugu farxeen natiijada qalniinka. Banaanka ayuu usoo baxay daqtarki, odaygi ayuuna usheegay, warki farxada lahaa, oo ahayd in wiilkisa uu badbaaday, asagoon ka sugin jawaabta uu odayga bixin doono ayuu ku yiri, wixii suaal aad qabto, kalkaalisada usheeg, wuuna baxay asagoo aad u dag dagsan. Odaygii ayuu kalkaalisada ku yiri, maxuu daqtarka sidaan iskula weynyahay??? Wax yar muu sugo si aan si fiican uga wareysto xaalada wiilkeyga. Kalkaalisadi ayadoo ilmo indhaheeda ka qubanayaan, ayey odaygi ku tiri "Shalay ayaa Daqtarka wiilkiisi shil baabur ku dhintay, duugti wiilkiisa ayuu ku mashquulsanaa markaan ugu soo waceynay, qalniinka wiilkaga, hada marka uu noolasha wiilkaga badbaadiyeyna, waxuu usii cararay, si uu u dhameystiro, duugitaanki wiilkisa. Muhiimada qisada waxa waye: ๑۩๑W.Q:- Ibrahim Ahmed.๑۩๑ ·.·.· Ƹ̴Ӂ̴Ʒ Like Us => Somalia Peace
Posted on: Sun, 01 Sep 2013 20:24:07 +0000

Trending Topics



ic-700996809915443">Changing eating habits + regular exercise = success Those of you

Recently Viewed Topics




© 2015